Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madax kala duwan oo ka qeyb gashay xaflad lagu dhiiri gelinayay tartamayaashii Buurhakaba ee ku guuleystay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 1, 2020
in Wararka
0
Madax kala duwan oo ka qeyb gashay xaflad lagu dhiiri gelinayay tartamayaashii Buurhakaba ee ku guuleystay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu dhiirigalinayay tartamayaashii Buurhakaba ee ku guuleystay tartan cilmiyeedkii degmooyinka Gobollada dalka oo Warbaahinta Qaranka ay qabato bisha Ramadan sanadkan kasta ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee Barlamaanka iyo dowlada goboleedka Koofur Galbeed, aqoonyahanno, guuleystayaashi tartanka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranka ay kaalin weyn ka qaadatay  kor u qaadidda aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, ayna joogteynayaan qabashada tartamada nuucaani oo kale ah.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Wasiirka Tamarta iyo khayraadka biyaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Maxamed Sheekh oo soo qaban qaabisay kulankaan lagu dhiirgalinayay guuleystaasha ayaa sheegtay in iyadoo ka jawaabeyso baahiyaha Waxbarashada ee ka jirta deegaanka ay u iibisay dhulkii laga dhisa lahaa xarunta Jaamacadda Hakaba oo hore loo qorsheeyay in laga hergaliyo Degmada Buurhakaba.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa ku dhiirigaliyay guulestayaasha dadaalka ay sameeyeen, waxaana uu sheegay in sida uga dhaqsiyaha badan loogu dhisi doono Jaamacad.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa ku guubaaabiyay dhalinyarada in aqoonta lagu daro barashada dhaqanka iyo Diinteena Islaamka, islamaarka waxaana uu Wasiir Fowsiyo ku amaanay garab istaagii ay u muujisay aqoonyahanada Degmada, ayna ka jawaabtay baahiyaha dhanka Waxbarsho ee ka jirta degmada Buurhakaba.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah

Next Post

Dowladda oo Qalab Caafimaad iyo Dawo Gaarsiisay Magaalooyin Kamid Ah Gobalka Gedo “SAWIRRO”

Next Post
Dowladda oo Qalab Caafimaad iyo Dawo Gaarsiisay Magaalooyin Kamid Ah Gobalka Gedo “SAWIRRO”

Dowladda oo Qalab Caafimaad iyo Dawo Gaarsiisay Magaalooyin Kamid Ah Gobalka Gedo "SAWIRRO"

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In