Friday, February 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxa la dagaalanka musuqa oo ka warbixiyay waxqabadka guddigaasi

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxa la dagaalanka musuqa oo ka warbixiyay waxqabadka guddigaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa maanta ka warbixiyay kulan ku aadan la dagaalanka musuqa oo uu uga qeybgalay Dalka Masar iyo sida dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay uga qeyb qaadan karaan xalka arrintaasi.

Guddoomiyaha oo manta ka qeybgalay barnaamijka kulanka todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa xusay in dhowaan ay dalka Masar kaga qeybgaleen shir ku saabsaanaa la dagaalanka musuqa oo ay ka qeybgaleen dalal ka mid ah caalamka.

Related posts

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026

Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa sheegay in ujeedada shirkaasi uu ahaa sidii dalalka dunida ay isu dhaafsan lahaayeen aqoon iyo khibrad ku aadan la dagaalanka musuqa,wuxuuna intaa ku daray in halkaasi ay ka soo baxeen fursado wanaagsan oo wax looga qaban karo musuqa.

Guddoomiyuhu,waxa uu qiray in ay jiraan qorshe kutalagal ah oo la doonayo in lagula dagaalamo musuqa ,gaar ahaan mudada u dhaxeysa 2021- 2023-ka. isagoo intaa raaciya in ciribtirka musuqa uu yahay mid u baahan xal waafi ah oo ay ka qeybgalaan dowladda iyo guud ahaan qeybaha bulshada ee dalka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa,waxa uu xusay in marka la helo iskaashi u dhaxeeya hey’adaha ammaanka, kuwa garsoorka iyo warbaahinta la gaari karo xal ku yimaada ilaalinta maaliyadda dalka iyo guud ahaan adeegyada umadda.

Previous Post

Jubbaland oo shaacisay waqtiga la qabanayo doorashada lix kursi ee Aqalka Hoose

Next Post

Ethiopia government says military won’t cross into Tigray

Next Post
Ethiopia government says military won’t cross into Tigray

Ethiopia government says military won't cross into Tigray

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

February 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In