Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxa UNFPA ee Soomaaliya oo maanta booqday Puntland”sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxa UNFPA ee Soomaaliya oo maanta booqday Puntland”sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 8-2-2015 si wadajir ah u qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya Mr.Francois Farah Michel iyo wefti uu hogaaminayey.

Weftiga la socday Mr.Francois Farah Michel ee soo gaaray Puntland waxaa kamid ah ku xigeenkiisa Mrs.Kyeyune, agaasimihii hore ee hay’adda UNFPA ee Soomaaliya Mr.Cheikh Tidiane Cisse iyo masuuliyiin katirsan xafiiska hay’adda UNFPA ee Puntland.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Kullan gaar ah oo Madaxweyne Gaas la qaatay masuuliyiintaasi ayaa waxaa uu marka hore siweyn Puntland ugu soo dhaweeyey agaasimaha cusub ee Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya Mr.Francois Farah Michel oo dhawaan si rasmi xilkaasi ula wareegay.

Mr.Francois Farah Michel ayaa isna dhankiisa Madaxweynaha uga mahadceliyey sida wanaagsan ee uu usoo dhaweeyey, isagoona sheegay in Hay’adda UNFPA dardar gelinayso howlaha horumarineed ee ay ka wadaan gudaha Puntland.

Hirgelinta Barnaamijyo cusub oo horumarineed ayaa madaxda Hay’adda UNFPA ee soomaaliya balan qaadeen inay ka fulinayaan Puntland maadama ay tahay dhul nabad ah shacabkuna ay yihiin kuwo ay ka go’antahay ka faa’iidaysiga barnaamijyada horumarineed.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambeyn Mr.Francois Farah Michel kula dardaarmay in Hay’adda UNFPA adeegyadeeda horumarineed ay si siman uga hirgeliso guud ahaan Puntland gaar ahaana gobolada laamiga ka baxsan.

IMG_3552

IMG_3574

IMG_3584

IMG_3598

Previous Post

“MUUQAAL”U qeybsanaha arrimaha Boliska ee Q M oo maanta booqday Dugsiga Janaraal Kaahiye

Next Post

RW. Cumar: “Go’aanka Bangiyada Maraykanku waxay horseedi karaan dhibaato kale oo bini’adamnimo oo dalka soo food saarta”

Next Post
RW. Cumar: “Go’aanka Bangiyada Maraykanku waxay horseedi karaan dhibaato kale oo bini’adamnimo oo dalka soo food saarta”

RW. Cumar: “Go'aanka Bangiyada Maraykanku waxay horseedi karaan dhibaato kale oo bini’adamnimo oo dalka soo food saarta”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In