Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Xaawo Cabdi Samatar

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Madaxda Dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Xaawo Cabdi Samatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar, oo ahayd Marwada, Alle ha u naxariistee, madaxweynihii hore ee dalka Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaad ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Waxaan si gaar ah xanuunka tacsida ula qaybsanayaa qoyska Madaxweynihii hore ee dalka.”

Related posts

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

February 18, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

February 18, 2026

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey.

Sidokale Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed guud ahaan oo ay ka geeriyootay Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar, xaaskii Madaxwaynihii Hore AUN Cabdullahi Yusuf Axmed.

“Waxaan Allah uga baryayaain uu naxariistiisii ka waraabiyo, qabrigeeda u waasiciyo, hoygeedana janno ka dhigo” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Previous Post

Guddiga doorashada oo soo saaray 14 qodob oo habraaca amniga doorashada ah

Next Post

Mareykanka oo 40 bilyan oo Dollar ugu deeqay Ukraine

Next Post
Mareykanka oo 40 bilyan oo Dollar ugu deeqay Ukraine

Mareykanka oo 40 bilyan oo Dollar ugu deeqay Ukraine

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

February 18, 2026
0

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan u dhexeeyay safiirrada dalalka Carabta ee fadhigoodu yahay Koonfur Afrika iyo...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

February 18, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska Guud ee Ciidanka...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

February 18, 2026
0

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

February 18, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay saacadaha shaqada inta lagu jiro bisha barakeysan ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In