Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo hambalyo u diray Madaxeynaha la doortay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Madaxda Dowlad Goboleedyada oo hambalyo u diray Madaxeynaha la doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee caawa kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay.

Madaxweyne Kaariye ayaa u rajeeyay madaxweynaha JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud, in uu Eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo doortay, isagoona ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho taas oo soo af jartay marxaladihii kala guurka ahaa ee uu dalka soo maray.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Madaxweyne Axmed ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay gudigii labada aqal ee lahaa qaban qaabada doorashada madaxweynaha dalka, iyo xildhibaanada labada aqal ee gutay waajibkooda dastuuriga ah, soona doortay madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha Cusub ee Dalka in Masuuliyada culus ee loo doortay uu Alle u fududeeyo.

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya oo loo doortay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

“Waxaan u hambalyeeynaya Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waa masuul hore usoo shaqeeyay wuxuuna ku yimi isbedel dalka ka dhacay. Waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo Xilka loo doortay.

Waxaan u mahadcelinaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS intii codka isiisay iyo intaan isiin, Guddoonka Golaha Shacabka, Guddiga Doorashadda Madaxweynaha JFS, Labada heer ee Guddiyadii Doorashada Xildhibaanada kasoo shaqeeyay, Ciidamada Amniga sugayey iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dadaal ku bixiyey in dalka Doorasho ka dhacdo.

Doorashada Madaxweynaha JFS in ay inoo qabsoomto, howl badan iyo shaqo badan ayaa laga soo maray, ilaahay ayaa mahadleh si wanaagsan oo nabad ah Illaahay dhameeyay, waynu wada guuleysanay isbedelka dhacayna waxaan rajeynaya in uu dalkeena u jiheeyo dhinaca wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa lafdhabar u noqday Isbedelka dalka ka dhacay, wuxuuna u rajeeyay mid Soomaaliya ku jiheeya nabad, barwaaqo iyo horumar wanaagsan.

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhamaaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Cusub ee DFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha Cusub inuu u fududeeyo shaqooyinka horyaala isla markana uu la garab galo masuuliyada Cusub ee loo doortay.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu u mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee muujiyay dhabar adayga iyagoo saacado badan u fadhiyay sidii ay u dooran lahayeen Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya”.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hambalyo u diray Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Shekh Maxamuud oo caawa ku guulaystay Tartanka Madaxweynanimo ee Dalka, waxaan Rabi uga barinayaa inuu xilka la garab galo kuna asturo

 

Madaxweyne Laftagareen ayaa ku ammaanay labada aqal ee Baarlamaanka cusub iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dulqaadka ay ku wajaheen hannaanka doorashooyinka dalka oo soo maray marxalado kala duwan, isaga oo ku bogaadiyey laamaha ammaanka Soomaaliyeed sida ay habeen iyo maalinba ugu taagnaayeen xaqiijinta amniga doorashooyinka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Alle uga rajeeyey Madaxweyne Xasan Shekh in uu waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Previous Post

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo degaanno kala wareegay Al-Shabaab

Next Post

Shir u dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo ka furmay Nairobi

Next Post
Shir u dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo ka furmay Nairobi

Shir u dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo ka furmay Nairobi

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In