Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ka qeyb galay Xafladda Furitaanka Ciidamada Qalabka Sida.
Xafladdaan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay dhammaan Madaxdii ka qeyb gashay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal Naftooda u huray badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo xiray Xafladda ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Barnaamijka Taakuleynta Ciidamada xoogga .
Waxaa uu sidoo kale Magacaabay guddi ka shaqeeya arintaasi , iyadoona gudoomiye looga dhigay Generaal Qaalib , halka Gudoomiye ku xigeenkana laga dhigay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.