Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda IGAD oo ammaanay doorashooyinka Soomaaliya ka socda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxda IGAD oo ammaanay doorashooyinka Soomaaliya ka socda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

IB0A2768

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa uga qeyb-galay shir madaxeedka IGAD oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya, kaas oo laga soo saaray baaqyo muhiim ah.

Shirka 29-aad ee IGAD oo ay ka qeyb-galeen Madaxweyneyaasha gobolka ee ururkaas, ayaa looga hadlay horumarrada Soomaaliya ay ka sameysay dhanka doorashooyinka, amniga iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka gobolka ku yaalla.

Madaxda IGAD, ayaa ayaa ku ammaantay dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiyada arrimaha  doorashooyinka ku howlahan iyo ciidammada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM guulaha ay ka sameeyeen qabsoomidda doorashooyinka dadban ee Barlamaaniga ah, kuwaas oo hadda gabo-gabo ku dhow.

Sidoo kale madaxda IGAD ayaa ku baaqdey in la dadajiyo ilaa dhammaadka bishan  qabsoomidda doorashada madaxweynaha iyo guddoonka Barlamaanka, iyagoo u rajeeyey in arrintaasi ay u dhici doonto sida loo qorsheeyey iyo waqtiga loogu talo-galay in ay ku dhacaan howlahaasi.

Madaxda IGAD, ayaa ugu baaqdey beesha caalamka in xayiraadda laga qaado xawaaladaha Soomaalida ee dibedda, si ay fursad ugu heleen ka qeyb-qaadashada kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo isku xirka ganacsiga xooggan ee waddamada caalamka iyo Soomaaliya u dhaxeeya.

Madaxda IGAD, ayaa sheegtay in ay ku dedaali doono sidii dib loogu bilaabi lahaa dhoofinta xoolaha Soomaaliya iyo dalalka Carabta oo ay boqortooyada Sacuudiga ugu horreyso, taas oo macno weyn u leh xowliga dhaqaalaha Soomaaliya oo sannadaha soo socda la rajeynayo in uu sameeyo isbaddel ka duwan sidii hore.

Ugu dambeyn madaxda IGAD, ayaa mar kale baaq nabaddeed u jeediyey dhinacyada isku haya dagaallada ka socda waddanka Suudaanta Koonfureed, iyagoo sheegay in ay dedaal walba ku bixin doono joojinta colaaddaasi micna darrada ah.

IB0A2655 IB0A2662 IB0A2664 IB0A2671 IB0A2701 IB0A2705 IB0A2734 IB0A2740 IB0A2768 IB0A2808

                               —-DHAMMAAD—

Previous Post

Gaari ku qarxay agagaarka Siinka dheer xilli baaritaanno lagu hayay

Next Post

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee gobollada Waqooyi oo 7 Xildhibaan laga doortay

Next Post
Doorashada aqalka hoose oo saaka ka bilaabaneysa Kismaayo iyo Baydhaba

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee gobollada Waqooyi oo 7 Xildhibaan laga doortay

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In