Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Mareykanka ee geeriyootay iyagoo haya talada dalkaasi. (qeybta 1-aad)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 22, 2016
in Wararka, Xulashada
0
Madaxda Mareykanka ee geeriyootay iyagoo haya talada dalkaasi. (qeybta 1-aad)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taariikhda mareykanka inta la ogyahay, waxaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee qabta talada dalka Mareykanka uu ahaa George Washington ,kaas oo jagada madaxtinimo ee dalkaasi haayey sanadihii u dhexeeyay 1789 to 1797 .

Laga soo bilaabo Madaxweyne George Washington illaa Donald Trump,waxaa  iyagoo haya talada madaxtinimo   ee dalka Mareykanka  dhintay Sideed xubnood  oo ku fariistay kursiga Aqalka Cad ee looga taliyo bulshoweynta dalkaasi.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Afar ka mid ah Siddeedaasi waxaa lagu fuliyay shirqool khaarajin ah ama waa la toogtay.halka Afarta kale ay u dhinteen sababo la xiriira cudurro dabiici ah .

Siddeeddaasi Madaxweyne ee dhimatay sanadihii 1841-1963-dii,waxaa si kumeel gaar ah xilalkii madaxtinimo u sii waday madaxweyne ku xigeenadii jiray waqtigaasi sida ku cad dastuurka Mareykanka.

12-Madaxweyne ayaa ka badbaaday isku day dil oo ay ka dambeeyeen  rag hubeysan oo lahaa ujeedooyin kala duwan.

Haddaba waa kuwaan Madaxweynayaasha u dhintay xanuunno caadi ah iyo kuwii la khaarajiyay ama la dilay.

1841: William Henry Harrison

William Henry Harrison waxa uu talada dalka Mareykanka qabtay 4-tii Marso 1841, 26-kii bishaasi waxaa ku soo booday cudurka hargabka ama durayga xilligaasina waxaa . socotay xafladda caleemo saarka.

Cudurkaasi ,waxa uun ka dhashay   qabowga cimilada wuxuuna cudurkaasi waqti yar isu badalay qaarjeex ama oof-wareen

Harrison,muddo sagaal cisho ah ayuu xanuunsanaayey dhaqaatiirtiisana weey dadaaleen balse waxa uu dhintay 4-tii april 1841,kadib markii uu talada qabtay 4-tii april

Waa Madaxweynihii u horeeyay oo Mareykan ah oo dhintay isagoo talada dalkaasi haayey muddo 31-cisho ah.

1850: Zachary Taylor

Dhimashada Nadaxweyne Zachary Taylor,sii cad uma muuqato inkastoo la tilmaamay in July 4-tii 1850 uu ku dhacay calool bax kadib kolkii uu cabay cabitaanno kala duwan oo ah kuwa laga sameeyo nuucyada qudaarta,taasina waxa ay sababtay in uu  fuuqbaxo,shan cisho kadibna waxa uu u dhintay xanuun lagu sheegay calolbax ama wax u eg daacuun calool.

Isla waqtigaasi waxaa soo baxay oo la isla dhexmaray warar hoose oo la xiriira in madaxweynaha la sumeeyay,isla markaana ay ka dambeeyaaan kooxo taageersanaa in ay sii jiraan adoonsiga dadka madow oo ka jiray koonfurta Mareykanka.

sanadkii  1850 bishii July 9-keedii  ayuu dhintay

1865: Madaxweyne Abraham Lincoln

Dilkiisii waxa uu dhacay maalin Jimco ah bishuna aheyd April 14-keedii 1865-tii iyadoo uu soo afjarmay ama soo gabagaboobay  dagaakii sokeeye ee u dhexeeyay koonfurta iyo woqooyiga mareykanka.

Dilka Madaweynahaasi waxa uu dhacay shan cisho ka hor markii uu taliyaha ciidamada woqooyiga Virginia  jeneraal Robert E. Lee uu isu dhiibay General Ulysses S. Grant

Abraham Lincoln waa madaxweynihii ugu horeeyay ee lagu dilo fal gaadmo ah ama lagu qaarajiyo,waxaana lagu eedeeyay falkaasi in uu ka dambeeyay nin aktar ah oo caan ah oo lagu magcaabo John Wilkes Booth,kaas oo la tilmaamay isaga iyo taageerayaashiisuba in ay ka horjeedeen arimo ay ka mid ahaayeen xoreynta dadka adoonta ah ee madowga mareykanka,

1881: James A. Garfield

Dilkii Madaxweynaasi waxa uu ka dhacay Washington, D bishii July 2-dii 1881-dii.

Garfield,waxaa toogtay Charles J. Guiteau,

Madaxweynahaasi waxa uu talada haayey muddo 4-bilood ah ,isagoo noqday  madaxweynaha 20-aad ee mareykanka.

Garfield waxa uu dhintay 11 isbuuc kadib bishii September 19, 1881,madaxweyne ku xigeenkii xilligaasiChester A. Arthur ayaa la wareegay xilkaasi madaxtinimo

1901: William McKinley

Waxaa la dilay bishii Setembar 6.1901-dii,isagoo ku jiray Maxfal ama goob lagu tuno muusikada ee kooxda Pan-American.taasoo dhacda deegaanka  Buffalo ee magaalada New-york

Madaxweynaha ayaa waqtigaasi  gacan-qaadayey dad ku sugnaa  Tiyaatarkaasi  weyn oo ay ka socotay Muusiko iyo arimo kale oo wacyigwlin ah .

,,waxaa dilay madaxweynaha nin lagu magacaabi jiray Leon Czolgosz oo ka mid ahaa koox fidnawadayaal ah.

William McKinley oo mar labaad qabtay talada waxa uu dhintay 8-cisho kadib Setembar 14-kii ,Kadib markii uu jirkiisa ku faafay cudurka kaankarada oo ay sababeen xabbaddii lagu dhuftay.

1923: Warren G. Harding

Waxa uu u dhintay wadno xanuun  xilli uu ku sugnaa hotel ku yaalla magaalada San Francisco oo uu booqasho ku joogay 2-dii Augst sanadkii 1923-dii

Dhimashadiisa kadib waxaa si degdeg ah u soo baxay warar sgeegaya in la sumeeyay ama in uu isdilay

Geerida madaxeynahaasi waxaa laga qoray buuk loo bixiyay The Strange Death of President Harding ,kaas oo qoraaga uu ku sheegay in dilka madaxweynaha  uu ka dambeeyay nin horay u ahaa kooxda gaangiistarada gobolka ohaio 

1945: Franklin D. Roosevelt

March 29, 1945, Madaxweyne Franklin D. Roosevelt,waxa uu u dhaqaaqay magaalada  Georgia si uu fasax  nasasho ah u qaato  kahor inta uusan ka qeybgalin shirkii Qaramada Midoobay oo ka furmayey dalka Mareykanka.

April 12, Roosevelt , waxaa ku soo boday xanuun xagga dambe ah gaar ahaan madaxa qeybta dambe ee jeegada,kadibna waxa uu ku dhacay ,dhulka isagoo ku fadhiyay kursi,daryeel degdeg ah oo ay u sameeyeen dhaqaatiirta kadib waxa uu dhintay isla maalintasi,iyadoo aan la ogaan waxa uu u dhintay,sida uu mar dambe sheegay dhaqtar  Allen Drury .

Faallo lagu qoray Wargeyska New York Times ayaa lagu sheegay in uu dhamaaday waqtigii Roosevelt iyo waxqabadkiisii isla markaana la galay wqti cusub ama waa cusub

Madaxweyne Rosvelt oo talada dalka Mareykanka haayey muddo 12-sano ah,waxa uu ahaa ninkii ugu waqtiga dheeraa,isla markaana jabiyay madaxdii Naziga Jarmalka iyo Jabaan.

Dhimashadaasi waxa ay walwal galisay dadka Mareykanka iyo dunida kale.Bil ka yar markii ay dhimashadiisa ka soo waregtay May 8-deedii waxaa soo afjarmay dagaalkii Yurub .

Madaxweyne  Harry S. Truman oo xilka la qabtay  1961-dii waxa uu ku dhawaaqay xus loogu magac daray maalinta xornimada Yurub iyo baroordiiq 30-cisho oo loo sameynaayo Madaxweynihii dhintay ee Rusvelt,iyadoo mudadaasi calanka hoos loo dhigayo

1963: John F. Kennedy[

Waxaa Madaxweynahaasi lagu  dilay magaalada Dallas ee gobolka Texas maalin Jimco ah 22-kii Nofembar 1963-dii,isagoo ay la socdeen xaaskiisa Jacqueline ,Barasaabka TexasJohn Connally iyo xabno kale.

Baaritaan socday muddo toban bilood ah   1963-1964) oo ay wadeen guddi gaar ah kadib waxaa la cadeeyay in falkii lagu dilay John F. Kennedy uu ahaa shirqool  khaarajin ah oo uu ka dambeeyay Lee Harvey Oswald

Ninkaasi dilay madaxweynaha waxaa isna dilay Jack Ruby kahor inta aan la horgeyn maxkamad.

1966-2004-tii dadka Mareykanka waxa ay 80% aaminsanaayeen in dilka madaxweynahaasi uu ahaa mid shirqool ah ama mid la daboolay xaqiiqadiisa.

Qeybaha lagu tuhmay in ay ka dambeeyaay dilka shirqoolka ah ee  madaxweynahaasi ,waxa ay ahaayeen madaxweyne ku xigeenkii xilligaasi Lyndon B. Johnson  sirdoona mareykanka ee CIA ,Mafiyada, KGB.madaxeynihii Cuba Fidel Castro ,maamulihii  FBI,iyo kuwo kale.

La soco qeybta 2-aad khamiista

W/Qoray: Shire Xasan Kulmiye

 

Previous Post

Arday ku geeriyootay shil ku yimid Bas ay saarnaayeen dalka Mareykanka+Sawirro

Next Post

Doorashooyinka Aqalka Hoose oo markale dib uga bilaabanaysa Jowhar

Next Post
Qaban qaabada dibad baxyo lagu taageerayo shirki IGAD ee shalay ka dhacay Muqdisho oo ka socda Jowhar

Doorashooyinka Aqalka Hoose oo markale dib uga bilaabanaysa Jowhar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In