Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida oo faah faahin ka bixiyay socdaal shaqo ay ku tegeen Masar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxda Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida oo faah faahin ka bixiyay socdaal shaqo ay ku tegeen Masar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

maxkamadda

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur “Shuute” oo maanta Xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay Socdaal Shaqo oo Isaga iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Gen Liibaan Cali Yaroow ay ku tageen magaalada Qaahir ee Dalka Masar.

Related posts

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026

G/Sare Xasan Cali Shuute ayaa Sheegay in kulan gaar ah oo fikrado la isku dhaafsaday ay la qaateen Guddoomiyaha Hay’adda Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida Sareeya Gaas Camaad Cabdalcasiis oo ay wehliyaan Xeer ilaaliyaha Guud Maxkamadda Ciidamda Qalabka Sida Masar iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Dalka Masar.

“Socdaal Shaqo oo qaatay hal Isbuuc ayaan aniga iyo Gen Liibaan Cali Yaroow ku tagnay Qaahir kadib markii aan casuumaad rasmi ah ka helnay Dowladda Masar, wuxuu ahaa kulankeenii ugu horreeyay ee dhexmaray madaxda ugu Sarreysa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya iyo Masar, si wanaagsan ayay noogu soo dhaweeyeen garoonka Diyaaradaha Magaalada Qaahir, sida taariikhda ku xusan Masar waxa ay safka hore uga jirtaa dalalka ugu horreeya dhinacayada xeerarka garsoorka madaama Xeerarka u dagsan Masar la dajiyay 1882-Kii, halka Xeerarka Soomaaliyana la dajiyay 1963-Kii, waxaan ka wada hadlanay sidii aan isku dhaafsan laheyn aragtiyo la xiriira qaabka maanta ay u shaqeeyaan Garsoorka labada dal” ayuu Yiri G/Sare Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Guddoomiyaha Hay’adda Garsoorka Masar uu kulanka ka ballanqaaday in Qubarro Garsoorka ku xeeldheer ay u soo diri doonaan Soomaaliya, si Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka ay tababaro u siiyaan, islamarkaana Masar ay gacan uga geysato talooyin la xariira haddii wax laga badalayo qodo kamid ah xeerarka u dagsan Maxkamadda Ciidamada.

“Dowladda Masar oo ah dal Islaam ah meelo badana aan iska waafaqsanahay xeerarka u dagsan waxaan ka codsanay in ay gacan dhinaca farsamada ah naga siiyaan waxkabadalista Xeerarka Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si aan ula jaanqaadno xeerarka casriga ah ee maxakamada Ciidamada dunida, maadaama xeerka u dagsan maxkamadda ciidamada aan wax laga badalin tan iyo wixii ka dambeeyay 1963-kii, wey naga aqbaleen in howshaas gacan ay naga siiyaan, sidoo kalana noo tababaraan shaqaalaha loo qaadanyo in ay ka shaqeeyaan maxkamadda ciidamada kahor inta aysan shaqo galin” ayuu Yiri Gaashaanle Sare Shuute.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanla Sare Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in Madaxdu ay isku raaceen in lasii joogteeyo kulamada labada dhinac, ayna isdhaafsadaan warbixinada la xiriira waxyaabaha casriga ah ee kusoo kordha Xeerarka lagu maamulo maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida.

14937077_1027682730676505_1798993628_n14997118_1027682747343170_661555090_n14971441_1027682797343165_280819749_n14962993_1027682744009837_1983056810_n

Previous Post

R.Wasaare Sharma’arke “Waxaan Madaxda Puntland iyo Galmudug isku afgaranay in ay dhaqan geliyaan Xabad joojin deg deg ah”

Next Post

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 8aad” Akhriso+Dhageyso

Next Post
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 8aad” Akhriso+Dhageyso

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 8aad” Akhriso+Dhageyso

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeed, dhagaystayna warbixino muhiim ah, sidoo kalena sixid ku sameeyay magacaabis hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Soomaaliya oo  kulan la yeeshay Boqorka Urdun Cabdalla II

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Soomaaliya oo kulan la yeeshay Boqorka Urdun Cabdalla II

August 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa isaga iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In