Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Midowga Afrika oo doortay Guddoomiye cusub “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxda Midowga Afrika oo doortay Guddoomiye cusub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arimaha dibadda dalka Chad Moussa Faki Mahamat ayaa loo doortay guddoomiyaha midowga Afrika kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Addis Ababa oo ay ku shirsan yihiin hogaamiyeyaasha qaaradda Afrika.

Moussa Faki Mahamat, ayaa heley 38 cod, isagoo ka guuleystay wasiirka arimaha dibadda dalka Kenya Amina Maxamed oo wareegii u dambeeyay isla soo gaareen.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ilaa shan murashax oo labo kamid ah dumar yihiin ayaa ku tartamayay jagada ugu sareysa midowga Afrika.

Guddoomiyaha xilka ka degaysa oo ah  gabadh ka soo jeeda Koofur Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa xafiiska joogi doonta lixda bil ee soo socota kadib markii madaxda midowga Afrika ay ku guuldareysteen in bishii Luulyo ay doortaan hogaanka cusub.

Shir madaxeedka midowga Afrika ayaa labada maalin ee soo aadan waxaa uu ka socon doonaa xarunta ururtooda  Addis Ababa, ayagoo arimaha ay ka hadli doonaan ay kamid tahay dib ugu soo laabashada xubinnimadeeda ururka Midowga Afrika wadanka Morocco kadib markii ay ka maqneyn muddo ku dhow 30 sano.

Dalka Morocco, ayaa ururka Midowga Afrika ka baxday sanadkii 1984, kadib markii  Midowga Afrika ay aqoonsadeen madax banaanida galbeedka Sahara, kaas oo Morocco ay sheegayso in qeyb uu ka yahay wadankeeda.

Midowga Afrika, ayaa waxaa ay taageereen in la mideeyo siyaasadda iyo dhaqaalaha 54 wadan ee qaaradda Afrika.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

In ka badan 15 ruux oo u geeriyooday biyo ay cabbeen darteed

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta

Next Post
Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In