Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Qaranka oo cambaareysay weerarradii Paris

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo cambaareysay weerarradii Paris

ATTENTION EDITORS - VISUAL COVERAGE OF SCENES OF INJURY OR DEATHGeneral view of the scene with rescue service personnel working near covered bodies outside a restaurant following shooting incidents in Paris, France, November 13, 2015. REUTERS/Philippe Wojazer TPX IMAGES OF THE DAY

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
ATTENTION EDITORS - VISUAL COVERAGE OF SCENES OF INJURY OR DEATHGeneral view of the scene with rescue service personnel working near covered bodies outside a restaurant following shooting incidents in Paris, France, November 13, 2015.   REUTERS/Philippe Wojazer      TPX IMAGES OF THE DAY
ATTENTION EDITORS – VISUAL COVERAGE OF SCENES OF INJURY OR DEATHGeneral view of the scene with rescue service personnel working near covered bodies outside a restaurant following shooting incidents in Paris, France, November 13, 2015. REUTERS/Philippe Wojazer TPX IMAGES OF THE DAY

Si la mid ah dunida kale oo dhan, dowladda Soomaaliya waxay si adag u cambaareysay weerarradii argagixiso ee Jimcihii ina dhaafay ka dhacay magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 120 qof oo rayid ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in uu aad uga naxay  ugana murugooday  weerarkii macno darrada ahaa ee argagixisadu ka geysteen Paris, waxa uuna sheegay in ay garab taagan yihiin shacabka reer Fransa.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhiggiisa Faransiiska iyo ehelada dadkii ku naf waayay weerarradii bahalnimo ee Paris.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa isaguna yiri “  Waxaan si xoog leh u cambaareynayaa weerarkii bani’aadminimada ka dhanka ahaa ee Paris,waxaanna tacsi u dirayaa dadkii waayay kuwii ay jeclaayeen”.

In ka badan 127 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxyo, toogashooyin in falal afduub oo ka dhacay garoon kubbadeed, masrax iyo makhaayado ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

200 oo qof dad ka badan ayaa ku dhaawacmay weerarradan oo ay fuliyeen niman hubeysan oo qaarkood ay is qarxiyeen, halka kuwo kalena ay rasaas oodda uga qaadeen dad ku jiray masrax ka dib markii ay go’doomiyeen.

Madaxweynaha Faransiiska, Fransua Holland ayaa sheegay in weerarka Paris uu yahay dagaal ka dhan ah France,waxa uu dhawaaqay  xaalad deg deg ah iyo 3 maalmood oo baroor diiq ah, waxa uuna amray in la xiro xuduudda Faransiiska.

Waa weerarkii ugu dhiigga badnaa ee Faransiiska ka dhaca qarnigan.

Kooxda argagixisada ah ee Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada argagixiso ee Paris, waxa ayna ballan qaadeen in ay iska kaashan doonaan la dagaallanka argagixisada.

Previous Post

Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee India “Sawirro”

Next Post

Kooxda Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Paris

Next Post
Kooxda Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Paris

Kooxda Daacish oo sheegatay mas'uuliyadda weerarkii Paris

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In