Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Qaranka oo cambaareysay weerarradii Paris

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo cambaareysay weerarradii Paris

ATTENTION EDITORS - VISUAL COVERAGE OF SCENES OF INJURY OR DEATHGeneral view of the scene with rescue service personnel working near covered bodies outside a restaurant following shooting incidents in Paris, France, November 13, 2015. REUTERS/Philippe Wojazer TPX IMAGES OF THE DAY

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
ATTENTION EDITORS - VISUAL COVERAGE OF SCENES OF INJURY OR DEATHGeneral view of the scene with rescue service personnel working near covered bodies outside a restaurant following shooting incidents in Paris, France, November 13, 2015.   REUTERS/Philippe Wojazer      TPX IMAGES OF THE DAY
ATTENTION EDITORS – VISUAL COVERAGE OF SCENES OF INJURY OR DEATHGeneral view of the scene with rescue service personnel working near covered bodies outside a restaurant following shooting incidents in Paris, France, November 13, 2015. REUTERS/Philippe Wojazer TPX IMAGES OF THE DAY

Si la mid ah dunida kale oo dhan, dowladda Soomaaliya waxay si adag u cambaareysay weerarradii argagixiso ee Jimcihii ina dhaafay ka dhacay magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 120 qof oo rayid ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in uu aad uga naxay  ugana murugooday  weerarkii macno darrada ahaa ee argagixisadu ka geysteen Paris, waxa uuna sheegay in ay garab taagan yihiin shacabka reer Fransa.

Related posts

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

January 21, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhiggiisa Faransiiska iyo ehelada dadkii ku naf waayay weerarradii bahalnimo ee Paris.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa isaguna yiri “  Waxaan si xoog leh u cambaareynayaa weerarkii bani’aadminimada ka dhanka ahaa ee Paris,waxaanna tacsi u dirayaa dadkii waayay kuwii ay jeclaayeen”.

In ka badan 127 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxyo, toogashooyin in falal afduub oo ka dhacay garoon kubbadeed, masrax iyo makhaayado ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

200 oo qof dad ka badan ayaa ku dhaawacmay weerarradan oo ay fuliyeen niman hubeysan oo qaarkood ay is qarxiyeen, halka kuwo kalena ay rasaas oodda uga qaadeen dad ku jiray masrax ka dib markii ay go’doomiyeen.

Madaxweynaha Faransiiska, Fransua Holland ayaa sheegay in weerarka Paris uu yahay dagaal ka dhan ah France,waxa uu dhawaaqay  xaalad deg deg ah iyo 3 maalmood oo baroor diiq ah, waxa uuna amray in la xiro xuduudda Faransiiska.

Waa weerarkii ugu dhiigga badnaa ee Faransiiska ka dhaca qarnigan.

Kooxda argagixisada ah ee Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada argagixiso ee Paris, waxa ayna ballan qaadeen in ay iska kaashan doonaan la dagaallanka argagixisada.

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee India “Sawirro”

Next Post

Kooxda Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Paris

Next Post
Kooxda Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Paris

Kooxda Daacish oo sheegatay mas'uuliyadda weerarkii Paris

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

January 21, 2026
0

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Maxamed Abuukar, ayaa ka warbixiyay kulanka muhiimka ah ee isu-duwidda hay’adaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In