Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 6, 2015
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan casho shaarafta ah ee uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir, laguna soo dhayweynayay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, isla markaana ay ka qeyb galeen Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno kale ayaa xalay lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo maaliyadda Mudane Ismaaciil Macalin Cabdi Guure oo ugu horeyn qaatay kalmadda soo dhaweynta ah ayaa sheegay in maamulka iyo bulshada ku nool Gobolka benaadir ay farxad u tahay soo qaban qaabinta munaasabada.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo si wada jir ah goobta hadalo uga jeediyay ayaa waxa ay sheegeen in guud ahaan Soomaalida ay sharaf u tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu Madaxda Maamul goboleedyada ugu yeero shir wada tashi ah oo looga hadlay aayaha dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo isna munaasabadda ayaa sheegay in shirka Madaxweynuhu uu ku casuumay Madaxda Maamul goboleedyada uu yahay mid loogu gogol xaarayo xoojinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in shirka madaxda Dowlad Goboleedyada iyo dowladda dhexe ay noqdaan kuwa si dastuuri ah laga dhigo, isla markaana la joogteeyo shirarka nuucaasi oo kale ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyntii khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Madaxda Dowlad goboleedyada sida ay u ajiibeen u yeeritaanka uu u yeeray, waxaana uu intaa ku daray in shirarka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada la joogteyn doono.

Fanaaniinta hobollada Qaranka ee Waaberi, shamsudiin band, benaadir band, bar baarta gaashaaman iyo Ubaxa ayaa goobta ku soo bandhigeen suugaan ka turjumeysa midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

IB0A3884

IB0A3885

IB0A3886

IB0A3887

IB0A3888

IB0A3889

IB0A3890

IB0A3891

IB0A3892

IB0A3893

IB0A3905

IB0A3910

IB0A3953

IB0A3969

IB0A3970

IB0A3971

IB0A3974

IB0A3977

IB0A3981

IB0A3985

IB0A3987

IB0A3988

IB0A3994

IB0A3996

IB0A3997

IB0A3998

IB0A4004

IB0A4008

IB0A4010

IB0A4017

IB0A4018

IB0A4019

IB0A4024

IB0A4025

IB0A4026

Previous Post

Ghana iyo Ivory Coast oo Wada Ciyaari Doono Finalka Koobka Qaramada Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In