Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida Duqii hore ee Magaalada Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida Duqii hore ee Magaalada Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, qaraabada iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Cali Ugaas Cabdulle ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey nabadaynta iyo horumarka dalkeenna

Madaxweynaha ayaa xusayย  in Marxuum Cali Ugaas Cabdulle uu muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyadii adkaa ee uu dalkeenna soo maray, Alle ha u naxariistee Cali Ugaasย  ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Safiirka dalka Talyaanigaย  iyo Duqii Magaalada Muqdisho Sanadkii 1987-1990,

โ€œInna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeedโ€

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiis, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Dhanka kale Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ku geeriyooda Muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa muwaadin dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Marxuum Cali Ugaas Cabdulle ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, kuwaas oo ay ugu muhiim sanaayeen Duqa Muqdisho iyo Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Talyaaniga.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka tacsiyeeyay geerida Duqii hore ee Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle

Next Post

Prime Minister Hamza receives UAE Ambassador to Somalia

Next Post
Prime Minister Hamza receives UAE Ambassador to Somalia

Prime Minister Hamza receives UAE Ambassador to Somalia

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In