Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Waddamada America, Australia, India iyo Japan oo ka wada hadlay caqabadaha ka taagan Shiinaha & dalal kale

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Madaxda Waddamada America, Australia, India iyo Japan oo ka wada hadlay caqabadaha ka taagan Shiinaha & dalal kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

La Taliyaha Amniga Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in shirkii uu Madaxweyne Joe Biden la yeeshay madaxda dowladaha Australia, India iyo Japan jimcihii, looga hadlay caqabadaha ka imanaya Shiinaha iyo arrimo kale.

Jake Sullivan ayaa intaa ku daray in hogaamiyayaasha ay sidoo kale ka hadleen xorriyada socdaalka dadka  koonfurta iyo bariga Shiinaha, arrinta Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi, iyo afgambigii rabshadaha watay ee ka dhacay Myanmar.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Bayaan ay soo saareen afarta hogaamiye ayaa waxay ku baaqeen in dib u habeyn hufan lagu sameeyo Ururka Caafimaadka Adduunka, waxayna sidoo kale isku raaceen in la balaariyo dadaalada lagu soo saarayo talaalada Corona iyo in si cadaalad ah logu qeybi waddamada Caalamka.

Madaxweyne  Biden ayaa sheegay intii lagu gudajiray kulankan khadka tooska ah in Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta uu sare u qaaday heerka kobaca Mareykanka sanadkan, tanina ay horseed u noqon doonto xawaaraha kobaca dhaqaalaha adduunka.

Biden wuxuu carrabka ku adkeeyay in xorriyadda iyo furfurnaanta baddaha Hindiya iyo Baasifigga ay muhiim u yihiin mustaqbalka afartan dal, isaga oo intaas ku daray in wada jirka dalalkan ay muhiim u tahay xal u helida qalalaasaha ka jira qeybo ka mid ah Caalamka.

Mareykanka ayaa  qorsheeynaya dhawaan in Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Mareykanka uu u safro Japan iyo Kuuriyada Koonfureed usbuuca soo socda, taas oo si cad u muujineysa ahmiyadda maamulka Biden ee la tacaalidda caqabadaha iyo saameynta Shiinaha ee Qaarada Aasiya.

Previous Post

Hay’adda Caafimaadka Adduunka  oo shaacisay noocyada ugu halista badan xanuunka Covid 19

Next Post

Dowladda Tanzania oo beenisay in Madaxweyne John Magufuli uu ku dhacay xanuunka Corona

Next Post
Dowladda Tanzania oo beenisay in Madaxweyne John Magufuli uu ku dhacay xanuunka Corona

Dowladda Tanzania oo beenisay in Madaxweyne John Magufuli uu ku dhacay xanuunka Corona

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In