Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 minutes ago
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Afrax, ayaa ka qeyb galay madasha qiimeynta iyo isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran.

Waxaa farxad weyn u ah Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada in ay ka mid noqotay wasaaradaha kaalmaha hore ka galay qiimeynta iyo isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran ee sanadkan 2026.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026

Qiimeyntan oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu eegayay heerka fulinta qorshayaasha, hadafyada, bar-hiigsiyada iyo ballanqaadyada ay wasaaraduhu horey u saxiixeen, iyadoo la adeegsanayay nidaam dijitaal ah oo lagu dabagalo laguna cabbiro waxqabadka hay’adaha dowladda.

Natiijada wanaagsan ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay ka tarjumaysaa dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo siyaasadaha gaadiidka, badbaadada waddooyinka, nidaamyada dijitaalka ah, maamulka xogta, isku-xirka hay’adaha iyo casriyeynta adeegyada gaadiidka dalka.

Waaxda Qorshaynta, Siyaasadda iyo Cilmi-baarista ee Wasaaradda Gaadiidka ayaa door muhiim ah ka qaadatay geeddi-socodkan, iyadoo hormuud ka ahayd isku-dubbaridka, dabagalka iyo diyaarinta xogta waxqabadka Wasaaradda. Waaxdu waxay si joogto ah uga shaqaynaysay nidaamka qiimeynta waxqabadka, iyadoo isku soo uruurisay xogta waaxyaha iyo qaybaha kala duwan, dabagashay heerka fulinta bar-hiigsiyada, isku dubbariday caddeymaha waxqabadka, isla markaana diyaarisay warbixinnada loo gudbinayay hay’adaha ay khuseyso. Shaqadan farsamo waxay suuragelisay in waxqabadka Wasaaradda loo soo bandhigo si nidaamsan, la cabbiri karo, isla markaana ku salaysan xog iyo caddeymo.

Waxqabadka Wasaaradda waxaa si gaar ah u xoojiyey bar-hiigsiyo iyo hawlo waaweyn, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1. Istaraatiijiyadda Qaranka ee Badbaadada Waddooyinka iyo Qorshaha Waxqabadka

Mashruucu wuxuu galay marxaladda hirgelinta, iyadoo la bilaabay qiimeynta xaaladda badbaadada waddooyinka, dib-u-eegista xogta shilalka, hay’adaha, shuruucda, kaabayaasha waddooyinka iyo baahiyaha tababarka.

2. Federal Crash Data System (FCDS)

Waxaa la sameeyey nidaam qaran oo dijitaal ah oo loogu talagalay ururinta, kaydinta, xaqiijinta iyo falanqaynta xogta shilalka waddooyinka. Nidaamku wuxuu marayaa marxaladaha ugu dambeeya ee tijaabada, ku-xiridda hay’adaha iyo diyaarinta hirgelinta ballaaran.

3. Dijitaalaynta Maamulka Gaadiidka Dowladda

Waxaa la hirgeliyey nidaam dijitaal ah oo lagu diiwaangeliyo laguna maamulo gaadiidka dowladda, hay’adaha, mashaariicda iyo adeegyada la xiriira diiwaangelinta gaadiidka. Waxaa sidoo kale la sameeyey keyd xogeed dhexe oo lagu maamulo xogta gaadiidka iyo adeegyada kale ee la xiriira.

4. Mideynta Nidaamyada Diiwaangelinta Gaadiidka iyo Ruqsadaha Darawallada

Wasaaraddu waxay bilowday diyaarinta qaab-dhismeedka iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ee lagu mideynayo ama lagu waafajinayo nidaamyada diiwaangelinta gaadiidka, taarikada, ruqsadaha wadista iyo wadaagista xogta. Waxaa sidoo kale meel wanaagsan maraya diyaarinta qaababka wada-shaqeynta iyo isku-xirka farsamo ee heer qaran.

5. Qiimeynta iyo Khariidaynta Shabakadda Waddooyinka Dalka

Waxaa la sameeyey qiimeyn lagu eegayo shabakadda waddooyinka, xaaladda waddooyinka, isku-xirnaanta marinada muhiimka ah iyo baahiyaha dayactir iyo dib-u-dhis. Waxaa sidoo kale la diyaariyey falanqayn ku saabsan meelaha shilalka iyo dhacdooyinka taraafikadu ku badan yihiin, gaar ahaan Gobolka Banaadir, Puntland iyo Somaliland.

6. Dib-u-soo-nooleynta Sumadda Qaranka ee Somali Airlines

Hawlaha la xiriira dib-u-soo-nooleynta Somali Airlines waxay marayaan heer wanaagsan, iyadoo la sameeyey xiriirro iyo heshiisyo muhiim ah oo lala galay shirkado caalami ah. Waxaa ka mid ah heshiiska lease-to-own ee lala galay Lilem Aviation Group ee ku saabsan laba diyaaradood, iyo wada-shaqeynta Embraer S.A., oo wakiillo farsamo u soo dirtay Soomaaliya, qiimeysayna xaaladaha Garoonka Aadan Cadde, isla markaana lala saxiixday Letter of Intent (LOI) oo la xiriira qorshaha keenista diyaaradaha.

7. Sharciga Hay’adda Baarista Shilalka Diyaaradaha

Sharciga lagu dhisayo laguna xoojinayo Hay’adda Baarista Shilalka Diyaaradaha ayaa maraya marxalad dib-u-eegis iyo dhammeystir sharciyeed.

8. Kobcinta Awoodda Shaqaalaha iyo Nidaamyada Dijitaalka ah

Wasaaraddu waxay qabatay tababaro la xiriira maamulka gaadiidka dijitaalka ah, diiwaangelinta gaadiidka dowladda, nidaamyada xogta shilalka iyo adeegyada kale ee casriga ah, taas oo kor u qaadday awoodda farsamo iyo xirfadeed ee shaqaalaha.

Guulahaas iyo hawlaha kale ee ku jira qorshaha sanadlaha ah waxay ka qeyb qaateen in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay ka dhex muuqato wasaaradaha waxqabadkoodu sareeyo marka la eego qiimeynta Xukuumadda ee sanadkan 2026.

Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa dardargelinta hawlaha weli socda, xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, horumarinta nidaamyada dijitaalka ah, iyo xaqiijinta in qorshayaasha iyo bar-hiigsiyada 2026 lagu gaaro natiijooyin la cabbiri karo oo si toos ah uga jawaabaya baahiyaha shacabka iyo horumarinta kaabayaasha gaadiidka dalka.

 

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, ayaa...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In