Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta guddoomiyey shirka Agaasimeyaasha ee Wasaaradda oo loogga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee Wasaaradda, shaqooyinka hortebinta u leh iyo dabagalka waxyaabaha ka qabsoomay balanqaadkii waxqabad ee Wasaaradda.
Shirka oo ah mid toddobaadkii ay mar iskugu yimaadaan madaxda Wasaaradda, ayaa dib u eegis lagu sameeyaa waxyaabaha qabsoomay, iyo caqabadaha jira intuba, waxaana si gaar ah looga hadlay dhinacyada shuruucda, siyaasadaha iyo heshiisyada ganacsi ee caalamiga ah, horumarinta ganacsiga iyo Warshadaha iyo dhiirigelinta Maalgashiga dalka.