Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฃ๐ข ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐ฎ๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ (Leyloon) oo ahaa agaasimihii hore ee Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo ku geeriyooday Magaalada Hargaysa.
๐๐ฎ๐ฆ๐ฎ๐ฎ ๐๐ก๐๐
Agaasimihii hore ee Waaxda Furdooyinka waxa uu ku dhashay sanadkii 1935 degmada taariikhiga ah ee Eyl, oo ka tirsan gobolka Nugaal. Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd waxa uu ku qaatay degmada Eyl, halkaas oo uu ku aas-aasmay xirfadiisa aqooneed. Intaas kadib waxa uu u soo wareegay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku dhammeystay dugsiga sare.
๐๐ข๐ฅ๐จ๐ฐ๐ ๐ข๐ข๐ฌ๐ข๐ข ๐๐ก๐๐ช๐๐๐
1. Xilligii Hore (1955 โ 1971)
Sanadkii 1955, ayuu ku biiray Waaxda Furdooyinka, isagoo ka bilaabay qaybtii hoos tagtay maamulka gumaystihii Talyaaniga. Waxa uu si degdeg ah ugu caan baxay shaqo-hufnaan iyo aqoon geeddi-socodka furdooyinka.
2. Hoggaaminta Furdooyinka Waqooyi (1972 โ 1985)
Sanadkii 1972, waxaa loo magacaabay Madaxa Furdooyinka Gobollada Waqooyi, isagoo maamulaayay Furdooyinka u dhexeeya Ceelaayo ilaa Lowyacadde. Xilkan waxa uu ku muujiyay hoggaamin adag iyo horumarinta nidaamka furdooyinka.
3. Madaxa Baarista iyo Kormeerka (1986 โ 1991)
Sanadkii 1986 waxaa loo magacaabay Madaxa Baarista iyo Kormeerka Waaxda Furdooyinka. Waxa uu xoojiyay nidaamyada baarista iyo hufnaanta shaqada, isagoo noqday tiir muhiim u ah waaxda.
4. Agaasimaha Waaxda Furdooyinka (2006 โ 2022)
Sanadkii 2006, waxa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Furdooyinka xilli dalka dib loo dhisayay. Inta uu xilka hayay waxa uu dib u dhisay qaab-dhismeedka waaxda, soo ururiyay dukumentiyadii muhiimka ahaa, dib u mideeyay shaqaalaha, una sameeyay nidaam casri ah oo saldhig u noqday waaxda maanta.
5. Lataliyaha Wasiirka Maaliyadda ee Arrimaha Furdooyinka (2022 โ 2026)
Laga bilaabo sanadkii 2022 ilaa geeridiisii 2026, Agaasimihii hore waxa uu ahaa Lataliyaha Wasiirka Maaliyadda ee Arrimaha Furdooyinka.










