Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwaynaha Puntland oo baneeyey Waddooyin kala Xirnaa ee Gaalkacayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxwaynaha Puntland oo baneeyey Waddooyin kala Xirnaa ee Gaalkacayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03 January 2018 waxaa uu baneeyey waddooyin kala xirnaa ee magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxwaynaha Puntland ayaa waxaa ku welinayay banaynta waddooyinkaasi maamulka labada dhinac ee Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, ganacsato, waxgarad, masuuliyiin ka socday Dowlad Goboleedka Galmudug, Taliska ciidanka isku dhafka Soomaaliyeed, taliya ciidamada Puntland iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn qaaday jid gooyadii ugu horaysay ee goobtaasi, waxaana ay ahayd jawaano ciid ah oo latuuray wadooyinka soo gala suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo, kala xirnaanta ganacsiga magaalada Gaalkacayo ayaa waxa ay carqalad ku ahaayeen ganacsiga, horumarka iyo Nabadda guud ahaan Gobolka Mudug, xirnaashaha wadooyinkaan ayaa waxaa sabab u ahaa dagaaladii ka dhacay magaalada kuwaas oo inta badan u dhexeeyay shacabka walaalaha ah ee kuwada nool magaalada Gaalkacyo.

“Wanaag badan ayaa ii muuqda sharaf bayna nootahay in aan maanta bartamihii suuqa Gaalkacayo isugu nimaadno, caqabadihii u danbeeyay oo taagnaa oo ahaa ciidda ladhoobay iyo kala xirnaanta ganacsiga in aan dhamystirno, shaqadii ay bilaabeen Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Jenaral Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Jenaralada halka inala taagan iyo maamulka Degmo ee Gaalkacayo iyo Gudoomiyayaasha gobolka dhammaantood aad ayay umahadsanyihiin shaqa fiican ayay bilaabeen dhamystirkii weyaan, anigu wax aan maanta meesha ujoognaa dad badan oo samaha jecel ayaa hawshaan ka qayb qaatay oo ay ugu horeeyaan oday yaasha ganacsatada”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Waxaan rajaynayaa cidwalbi in ay wanaagaas ka qay qaadato, ganacsade raba in uu iibsado bakhaarkiisa oo irsaaqad raadinaya hadana in ciidi ay utaal maaha wax sax ah, waxaan rabnaa marka meelkasta iyo jid kasta oo xiran oo Gaalkacyo ah waa in lafuraa maamulka gobolka kan degmada ciidamada dhammaantood amar ayay uqabaan in ay furaan cidna in aan loo tixgelin cidii caqabad kunoqota nabadgelyada iyo horumarka Gaalkacayo gacan bir ah in lagu qabto weeyaan”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Ciidankii Booliiska ee isku dhafka ahaa waa joogaa labada dhinacba, waa joogaan ciidankii milateriga ahaa meeshii ay degi lahaayeen waanu u astaynay waxaan rabnaa in lala shaqeeyo oo lagarab qabto oo lagu taageero nabada ay kashaqaynayaan waxaa laga shaqaynayaana waa horumarkiina, ganacsigiina, waa in ilmihiinu nabad wax ku bartaan. ayuu yiri Dr Cabdiweli Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay kuna booriyey shacabka magaalada Gaalkacayo inay ka wada shaqeeyaan nabad gelyada, horumarka iyo xasiloonida magaaladooda, isla markaana ay u hogaan sanaadaan ciidamada ka shaqaynayaa amnigooda iyo xasiloonidooda.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Wax-qabadka Wasaaradda Maaliyadda “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre “Dawladda waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed“ SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre “Dawladda waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed“ SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre “Dawladda waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed“ SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In