Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeeray Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu soo gaba-geboobay.
Kormeerka ayaa waxaa ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda duulista iyo hawada ee Dowlad Goboleedka Puntland, Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, mas’uuliyiin isugu jiray Wasiiro, Xildhibaanno, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, iyo xubno kale.
Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona dul istaagay qaybaha uu ka koobanyahay garoonka cusub, waxaana uu xog waraystay shaqaalaha kashaqeeya dhismahaasi, isagoo ku amaanay mas’uuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqadii loo igmaday, isla markaana waxaa uu xaqiijiyay in garoonka loo dhisay sidii uu qorshuhu ahaa ee loogu tala galay,
Dr Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in dhismaha cusub ee garoonka xariga laga jari doono 08 January 2018.
Dhinaca kale Madaxwaynaha Puntland ayaa xaqiijiyay in dhismaha garoonku uu marayo wejigii ugu danbeeyay, isla mar ahaantaana uu garoonku noqon doono mid u shaqeeya sida garoomada caalamka oo kale.
Ugu danbayn Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar daarmay hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe ilaa inta lagala wareegayo dhismaha cusub in ay sii wadaan shaqadooda.
–DHAMMAAD-