Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwaynaha Puntland Oo Kulan Looga Arinsanayo Adkaynta Nabadgelyada La Qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxwaynaha Puntland Oo Kulan Looga Arinsanayo Adkaynta Nabadgelyada La Qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobalka Mudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ay wada qaateen Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Puntland iyo bahda dhaqanka ee Gobalka Mudug ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay adkaynta Nabadgelyada, la shaqaynta Maamulka iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax kasta oo wax u dhimaya Horumarka iyo Nabadgelyada Gobalka, waxaana sidoo kale kulankaani qayb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeen ka Koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maamul ka Gobalka Mudug iyo la taliyayaal Madaxwayne.

Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Gobalka ayaa Madaxwaynaha Puntland si cad ugu sheegay inay diyaar u yihiin la shaqaynta Maamulka, ayna ku garab taaganyihiin Tallaabo kasta oo lagu horumarinayo Amniga iyo Horumarka Guud ee Gobalka.

Related posts

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026

Kulaka waxaa kaloo looga hadlay xal u helidda kooxaha ka ganacsada waxyaabaha Maandooriha, gaar ahaan Khamriga iyo wixii ka halmaala, waxaana la isku raacay in hal dhinac looga soo wada jeesto saarista kooxahaani lidiga ku ah amniga iyo Horumarka Gobalka Mudug sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Daberaani.

Kulankan u dhaxeeya Madaxtooyada Puntland iyo odayaasha dhaqameedka Gobalka Mudug ayaa ku soo aadaya maalin un kadib markii iska hor imaad ay laamaha ammaanku ku baacsanayeen kooxaha ka ganacsada khamriga iyo Maandooriyayaasha kala duwani uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, uuna ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed.

Previous Post

Isuduwaha Wasaaradda Dhallinyarada Koonfur Galbeed Ee Gobolka Bakool Oo Xilka La Wareegtay “SAWIRRO”

Next Post

Hay’adda Somali Relief Network Of North America Oo Deeq U Qeybisay Qoysas Danyar Ah “SAWIRRO”

Next Post
Hay’adda Somali Relief Network Of North America Oo Deeq U Qeybisay Qoysas Danyar Ah “SAWIRRO”

Hay’adda Somali Relief Network Of North America Oo Deeq U Qeybisay Qoysas Danyar Ah “SAWIRRO”

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In