Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwaynaha Puntland Oo Kulan Looga Arinsanayo Adkaynta Nabadgelyada La Qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxwaynaha Puntland Oo Kulan Looga Arinsanayo Adkaynta Nabadgelyada La Qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobalka Mudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ay wada qaateen Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Puntland iyo bahda dhaqanka ee Gobalka Mudug ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay adkaynta Nabadgelyada, la shaqaynta Maamulka iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax kasta oo wax u dhimaya Horumarka iyo Nabadgelyada Gobalka, waxaana sidoo kale kulankaani qayb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeen ka Koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maamul ka Gobalka Mudug iyo la taliyayaal Madaxwayne.

Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Gobalka ayaa Madaxwaynaha Puntland si cad ugu sheegay inay diyaar u yihiin la shaqaynta Maamulka, ayna ku garab taaganyihiin Tallaabo kasta oo lagu horumarinayo Amniga iyo Horumarka Guud ee Gobalka.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Kulaka waxaa kaloo looga hadlay xal u helidda kooxaha ka ganacsada waxyaabaha Maandooriha, gaar ahaan Khamriga iyo wixii ka halmaala, waxaana la isku raacay in hal dhinac looga soo wada jeesto saarista kooxahaani lidiga ku ah amniga iyo Horumarka Gobalka Mudug sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Daberaani.

Kulankan u dhaxeeya Madaxtooyada Puntland iyo odayaasha dhaqameedka Gobalka Mudug ayaa ku soo aadaya maalin un kadib markii iska hor imaad ay laamaha ammaanku ku baacsanayeen kooxaha ka ganacsada khamriga iyo Maandooriyayaasha kala duwani uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, uuna ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed.

Previous Post

Isuduwaha Wasaaradda Dhallinyarada Koonfur Galbeed Ee Gobolka Bakool Oo Xilka La Wareegtay “SAWIRRO”

Next Post

Hay’adda Somali Relief Network Of North America Oo Deeq U Qeybisay Qoysas Danyar Ah “SAWIRRO”

Next Post
Hay’adda Somali Relief Network Of North America Oo Deeq U Qeybisay Qoysas Danyar Ah “SAWIRRO”

Hay’adda Somali Relief Network Of North America Oo Deeq U Qeybisay Qoysas Danyar Ah “SAWIRRO”

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In