Kadib markii uu Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu kulan la qaatay xubnaha Golihiisa Wasiirada iyo guddiga amniga Qaranka, ayaa waxa u raagga wararka fidiya u qabtay shir jara’id, uu kaga dhawaaqay inuu dalka geliyay Qaanuun xaalaad deg deg ah, sida uu sheegay lagu sugayo amniga dalka.
Wuxuuna intaa raaciyay inuusan Qaanuunkaa wax cabaurin ah u geysaneyn, xuriyada hadalka,waana markii ugu horeysay Taariikhda Turkiga, go’aan noocan ah lagu soo rogo dalka Turkiga ka gadaal isku daygii Inqqilaabkii Fashilmay.
Sida ay faafisay Wakaaladda Wararaka Turkiga Anadol, Madaxweynuhu, wuuxuu go’aanka Xaaladda deg degga ah ee uu dalka Turkiga ku soo rogay, u cuskaday isla markaana waafijiyay qodobka 120-aad ee Dastuurka dalkaasi, kaasoo xusaya hadii amniga dalka uu qalqalgalo uu Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu qaado Talaabo noocan ahi.
Sonna