Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo afur iyo casho sharaf u sameeyay goleyaasha safiiro, biladana guddoonsiiya Wasiirka warfaafinta iyo Taliyaasha Ciidamda, “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo afur iyo casho sharaf u sameeyay goleyaasha safiiro, biladana guddoonsiiya Wasiirka warfaafinta iyo Taliyaasha Ciidamda, “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, July 1, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xaflad afur iyo sharaf ah oo lagu maamuusayo munaasabadda 1-da Luulyo ugu sameeyay xarunta madaxtooyada xubnaha labada gole, taliyeyaasha ciidammada, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa mar kale hambalyo ku aaddan xuska 55 guurada xornimada iyo midowga Soomaaliya u direy shacabka, isagoo kula dardaarmey inay la yimaadaan midnimo iyo is-jaceyl dhexdooda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Intii ay xafladda socotey ayaa Madaxweynaha waxaa uu shahaaddooyin sharaf guddoonsiiyey guddiyadii kala duwanaa ee ka qeyb qaatey isku dubbaridka munaasabadaha toddobaadka xorriyadda Soomaaliya oo soo bilowdey 26-kii June.

Waxaa xubnaha shahaadooyinka la guddoonsiiyey ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir oo isla markaana ahaa guddoomiyaha guddiga qabanqaabada, Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka, S/Gaas Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Booliska, S/Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamid, Taliyaha Ciidanka Asluubta, S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Munaasabadan waxaa kale oo ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Caydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (32) unnamed

Previous Post

Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In