Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ”Barnaamijka isku dhafka ciidammada waxaa looga gol leeyahay in la dhiso ciidan muuqaal qaran leh”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya: “Ma jiri doonto wax muddo kordhin ah” (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kismaayo, 26 July, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah daaha uga rogey hawlgelinta 1350 askari oo qeyb ka ah barnaamijka heerka qaran ee isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidammadan oo qeyb ka ah qoondada gobollada Jubbooyinka kaga soo aadey dib u dhiska iyo isku dhafka ciidammada, ayaa waxaa muddo laba bilood ah uu tababar uga socday dugsiga tababarka militariga ee magaalada Kismaayo, waxaana ay hoos imaanayaan Saldhigga 43-aad ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay laf dhabar u yihiin amniga qaranka.

”Muhimadda koowaad ee barnaamijkan isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa weeyaan in la helo ciidan ka kooban Soomaali oo dhan. Tababarka iyo dhaarta aad maanta halkan ku marteen waxay ka tarjumayaan in wixii maanta ka bilowda aad tihiin ciidan qaran, oo aadan ahayn ciidan beel ama gobol gaar ah ka socda. Ma tihiin wiilasha reer hebel, ee waxaad tihiin wiilasha qaranka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nasiib darro ay ahayd in wiilal Soomaaliyeed ay ku dhintaan dagaalladii sokeeye , iyagoo beelo u dagaalamaya, cid walbana ay haatan ka dheregsan tahay cawaaqib xumada laga dhaxley, waqtigan la joogana loo baahan yahay in laga fikiro dib u dhiska qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale dardaaran u jeediyay ciidammada iyo guud ahaan shacabka.

“Waxaan idin ku baaqayaa inaan ka wada shaqeyno sidii sharciga iyo kala dambeynta loogu soo celin lahaa waddankeena. Waa inaan ka wada shaqeynaa sidii aan u yeelan lahayn dowlad xooggan oo dalka oo dhan adeegyada looga baahan yahay gaarsiin karta”.

Barnaamijka isku dhafka ciidammada ayaa ah mid heer qaran oo ay wadajir isaga kaashanayaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamullada ka jira dalka, waxaana ujeeddadu ay tahay in la helo ciidan heer qaran oo tayadoodu sareyso, kuwaas oo ka hawlgeli kara guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS ka hor waxaa iyana halkaasi hadal ka jeediyay Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Wasiirka Difaaca, S/Guuto Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini iyo diblomaasiyiin.

 

-DHAMMAAD-

 

Previous Post

Madaxweynaha oo ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud (Bantu)

Next Post

Wasaaradda amniga gudaha oo ka hadashay qaraxa ka dhacay Hotel Jazeera

Next Post
Wasaaradda amniga gudaha oo ka hadashay qaraxa ka dhacay Hotel Jazeera

Wasaaradda amniga gudaha oo ka hadashay qaraxa ka dhacay Hotel Jazeera

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In