Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ”Barnaamijka isku dhafka ciidammada waxaa looga gol leeyahay in la dhiso ciidan muuqaal qaran leh”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 26, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya: “Ma jiri doonto wax muddo kordhin ah” (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kismaayo, 26 July, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah daaha uga rogey hawlgelinta 1350 askari oo qeyb ka ah barnaamijka heerka qaran ee isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidammadan oo qeyb ka ah qoondada gobollada Jubbooyinka kaga soo aadey dib u dhiska iyo isku dhafka ciidammada, ayaa waxaa muddo laba bilood ah uu tababar uga socday dugsiga tababarka militariga ee magaalada Kismaayo, waxaana ay hoos imaanayaan Saldhigga 43-aad ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Related posts

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

May 19, 2025
Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

May 19, 2025

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay laf dhabar u yihiin amniga qaranka.

”Muhimadda koowaad ee barnaamijkan isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa weeyaan in la helo ciidan ka kooban Soomaali oo dhan. Tababarka iyo dhaarta aad maanta halkan ku marteen waxay ka tarjumayaan in wixii maanta ka bilowda aad tihiin ciidan qaran, oo aadan ahayn ciidan beel ama gobol gaar ah ka socda. Ma tihiin wiilasha reer hebel, ee waxaad tihiin wiilasha qaranka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nasiib darro ay ahayd in wiilal Soomaaliyeed ay ku dhintaan dagaalladii sokeeye , iyagoo beelo u dagaalamaya, cid walbana ay haatan ka dheregsan tahay cawaaqib xumada laga dhaxley, waqtigan la joogana loo baahan yahay in laga fikiro dib u dhiska qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale dardaaran u jeediyay ciidammada iyo guud ahaan shacabka.

“Waxaan idin ku baaqayaa inaan ka wada shaqeyno sidii sharciga iyo kala dambeynta loogu soo celin lahaa waddankeena. Waa inaan ka wada shaqeynaa sidii aan u yeelan lahayn dowlad xooggan oo dalka oo dhan adeegyada looga baahan yahay gaarsiin karta”.

Barnaamijka isku dhafka ciidammada ayaa ah mid heer qaran oo ay wadajir isaga kaashanayaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamullada ka jira dalka, waxaana ujeeddadu ay tahay in la helo ciidan heer qaran oo tayadoodu sareyso, kuwaas oo ka hawlgeli kara guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS ka hor waxaa iyana halkaasi hadal ka jeediyay Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Wasiirka Difaaca, S/Guuto Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini iyo diblomaasiyiin.

 

-DHAMMAAD-

 

Previous Post

Madaxweynaha oo ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud (Bantu)

Next Post

Wasaaradda amniga gudaha oo ka hadashay qaraxa ka dhacay Hotel Jazeera

Next Post
Wasaaradda amniga gudaha oo ka hadashay qaraxa ka dhacay Hotel Jazeera

Wasaaradda amniga gudaha oo ka hadashay qaraxa ka dhacay Hotel Jazeera

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

May 19, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir...

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

May 19, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

May 19, 2025
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In