Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha cusub ee Ghana oo xilka la wareegay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha cusub ee Ghana oo xilka la wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nana Akufo-Addo, ayaa loo dhaariyay xilka cusub oo ah madaxweynaha dalka Ghana kadib markii uu bishii la soo dhaafay uu ka guuleystay madaxweynaha talada hayay John Mahama.

Ku dhowaad 11 hogaamiye oo qaaradda Afrika ka socday iyo in ka badan 6,000 oo ruux ayaa ka qeybgalaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub taas oo ka dhacaysa caasimadda dalkaas ee , Accra, xilli amniga si weyn loo adkeeyay.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Mr Akufo-Addo, oo da’diisa tahay 72 sano jir ayaa ahaa qareen xuquuqda aadanaha u ololeeya, waxaana uu balan qaaday xilligii ololaha doorashada waxbarasho lacag la’aan ah dugsiyada sare iyo in uu hirgelin doono warshado badan si shaqo badan loo helo.

Hase yeeshee, dadka qaar ayaa waxaa ay su’aal gelinayaa sida uu ugu dhabeyn karo balan qaadiisa.

Madaxweynaha xilka ka degeya ayaa sidoo kale, ka qeybgali doona xafladda oo ka dhici doonta fagaare ku yaala magaalada caasimadda ah, waddooyinka waa weyn ee soo gala goobta ayaa gebi ahaamba la xirey.

Mr Akufo-Addo, oo ka tirsan xisbiga cusub  ee Wadaniyadda ( New Patriotic Party) ayaa labo mar horey ugu tartamay xilka madaxweynaha, iyadoo la aaminsan yahay in waxyaabaha sida weyn u caawiyay ay tahay dhibaatada dhaqaale ee wadanka heystay iyo balan qaadiisa oo ah in uu wax ka qaban doono arintaas.

Xilal kala duwan ayuu horey u soo qabtay oo ay kamid tahay wasiirka Cadaaladda iyo wasiirka arimaha dibada intii u dhaxeysay 2001-2007, isagoo wacad ku maray in dalka uu ka dhigi doono mid xisbiyo badan leh isla markaana sheegay in warshado uu ka furi doono in ka badan 200  degmo oo wadanka oo dhan ah.

John Mahama, oo ah madaxweynaha xilka ka degeya ayaa lagu dhaliiley in uu wax ka qaban waayay dhaqaale burburka ka jira dalka taas oo keentay in hey’adda lacagta aduunka ee IMF ay isku daydo in ay badbaadiyo dhaqaalaha dalka Ghana.

Dalka ku yaala galbeedka qaaradda Afrika ee Ghana ayaa ah wadan ay xisbiyo badan ay ku loolamaan talada, tan iyo 1992, isla markaana xilalka ay ugu kala wareegayeen si nabadgeliyo ah.

 

Previous Post

Janaraal Katumba oo booqday Baraawe-Sawirro

Next Post

Dowladda Turkiga oo mar kale shaqada ka erisay 6 kun shaqaale

Next Post
Dowladda  Turkiga oo mar kale shaqada ka erisay  6 kun shaqaale

Dowladda Turkiga oo mar kale shaqada ka erisay 6 kun shaqaale

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In