Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MUUQAAL-Madaxweynaha: “Dal ma hormaro ilaa iyo luuqaddiisa la horumariyo mooyaane”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmauud oo ka hadlayay furitaanka munaasabadda maalinta Afka hooyo ayaa sheegay in dal uusan hor mari karin ilaa iyo in luuqadiisa la horumariyo mooyaane.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn mahadcelin u jeediyay Madaxweynaha Jabuuti wanaagga ay Soomaaliya u qabteen, isagoo xusay in shacabka aysan iloobi doonin waxyaabaha ay Soomaaliya u qbateen.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed waxaan Madaxweynaha Jabuuti leeyahay soo dhawoow, waana ku mahadsantantihiin intii aad horumariseen Afka hooyo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay xoogga saari doonto horumarinta Afka Hooyo.

“Dal ma hor maro ilaa iyo luuqaddiisa mooyaane, Afka hooyo haddii aan la horumarinin wuu lumayaa, isticmaalkiisa meesha ayuu ka baxayaa, marka waxaan xoogga saareynaa sidii lagu horumarin lahaa luuqadda Afka Soomaaliga, sida caalamka ay afafkooda u horumariyeen oo kale”.ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga tacsiyadeeyay geeridii dhawaan ku timid Afhayeenkii baarlamaanka ee dalkaasi, isagoo xusay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay uu gacan ka geystay horumarinta afka Hooyo.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay falkii shalay lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, isagoo Alle uga baryay inta ku dhimatay in uu Janada ka waraabiyo, halka kuwa ku dhaawacmayna uu u rajeeyay in uu Alle bogsiiyo.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dhibaatada ay shacabka ku hayaan kooxda Shabaab, isagoo xusay in dowladdu ay sii labo jibaari doonto howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab.

“Shabaab dalkani dhibaato ayay u geysteen, waxaana ka mid ahayd dowlad la’aan, rafashadiii ugu dambeysay ayay ku jiraan kooxda Shabaab, dolwadduna way baabi’ineysaa inta ka dhiman ee ka hartay kooxdaasi argagixisada ah”.ayu yiri Madaxweynaha.

Previous Post

Akadeemiye Goboleedka daryeelka Afka hooyo oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul-Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay weerarkii shalay “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul-Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay weerarkii shalay “SAWIRRO”

Ra'iisul-Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay weerarkii shalay "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In