Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dalka Ciraaq oo warqadaha Aqoonsiga danjirenimo ka Guddoomay Danjiraha cusub Soomaaliya ee Baqdaad “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dalka Ciraaq oo warqadaha Aqoonsiga danjirenimo ka Guddoomay Danjiraha cusub Soomaaliya ee Baqdaad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Ciraaq Dr. Barham Saalax ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee magaalada Baqdaad kaga gaddoomay warqadahiisa aqoonsiga Danjirenimo Safiirka cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doonna magaalada Baqdaad Mudane Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur)

Ugu horeyn danjire Liibaan aya uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Ciraaq sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna uu u gudibyay salaan iyo bogaadin uu kaga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo u rajeeyay caafimaad iyo hormar guud ahaan shacabka Ciraaq iyo Hoggaamiyahooda Dr. Barham.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Danjiraha Soomaaliya Mudane Liibaan Sheekh Maxmuud ayaa dhankiisa cadeeyay sida dalkiisu u doonayo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Baqdaad si loo gaaro danaha guud iyo manfacada gobolka, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Ciraaq ee howlgalka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Dalka Ciiraaq Barham Saalax ayaa Safiir Liibaan u rajeyay inuu ku guuleysto waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee Baqdaad, isagoo muujiyay in Dowladda Ciraaq diyaar u tahay inay bixiso wax kasta oo taageero ah si loogu guuleysto iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Danjire Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur) ayaa ah qabiir Muddo kabadan afartan sano ku soo Jiray Arrimaha Diplomaasiyadda, isigoo noqonaya danjirahii 3aad ee soo mara Safaaradda Somaaliya ee Dalka Ciraaq burburkii kadib, iyadoo munaasabaddii maanta ee warqadaha looga guddoomayay Safiirka uu ku wehlinayay qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Ciraaq Cabidfataax Sheekh Axmed .

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo soo magacaabay xubno u matalaya guddiyada Doorashooyinka

Next Post

Ciidamada Ammaanka ee Jubbaland oo fashiliyay miino argagixisadu dooneysay inay ku dhibaateeyaan bulshada

Next Post
Ciidamada Ammaanka ee Jubbaland oo fashiliyay miino argagixisadu dooneysay inay ku dhibaateeyaan bulshada

Ciidamada Ammaanka ee Jubbaland oo fashiliyay miino argagixisadu dooneysay inay ku dhibaateeyaan bulshada

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In