Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo la kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo la kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026
DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

March 14, 2026

Muqdisho- 26-05-2016- Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan kula qaatay ergada suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka kala timid gobollada dalka isalmarkaana ka qeyb gashay shirweynihii Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo hoggaanka cusub ee NUSOJ

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa ugu hambleeyey saxaaafadda Soomaaliyeed sida dimuquraadiyada leh ee ay u doorteen hoggaanka cusub. Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashadii NUSOJ ee Muqdisho lagu qabtay cashar u ahayd in Soomaaliya dhan walba ka soo kabaneyso.

“Waxaan rabaa inaan idin ku hambalyeeyo doorashadii quruxda baneyd ee aad isku doorateen ee Muqdisho ka dhacday 17 May 2016, waxa ay ka mid tahay biseeylka Soomaaliya ay gaareyso oo ay meel walba kaga soo kabaneyso, cashar ayaa dhigateen waana idin ku amaanayaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyey guddiga Badbaadada Saxaafadda ee u soo dhabar adeegay inay mideeyaan saxaafadda Soomaaliyeed oo ay si guul ah ay ku soo dhamaadaan shirweynahii Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo doorashooyinkii hoggaanka cusub ee NUSOJ.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabay codsi Suxufiyiinta ay u soo jeediyeen oo ahaa in gar-gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah madaxweynaha uu u qaado Wariye Cabdirisaaq jaamac (Black) oo mar sii horreysay ay dhaawac daran u geysteen dhagar-qabayaasha Al Shabaab ayaa yiri” Cabdirisaaq Black arintiisa aad iyo aad ayey u xaanuun badan tahay , dhowr mar ayuu qaliin galay waan la socdaa xaaladiisa. Abdirisaaq Black waa la daaweynayaa, daaweyntiisa aniga ayaa ballan qaadaya, meeshii inoogu fudud una dhaqso badan ayaan caafimaad ugu qaadeynaa Alllaah ayaana kaga baryayaa inuu cafimaad deg deg ah siiyo “

Marnaba raali kama nihi, waana ina xanuunjineysaa in wariyayaasha la handado, la cabsi geliyo, la waxyeeleeyo ama la dilo, Dowladda waad ogtihiin in intii awoodeeda ah ay ka ilaaliso cadowga dilaya, dilayaasha wariyayaashuna qaarkood ay soo qabtay sharcigana marsiisay kuwa kalana waa la soo qaban doonaa haddii Allaah yiraah” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Ururka Suxufuyiinta Qaranka ee NUSOJ uu ka mid yahay ururada bulshadda rayidka ah ee madaxa-banaan , sharciyadoodana waxa ay ku timaadaa kalsoonida iyo rabitaanka suxufiyiinta Soomaaliyeed, sidaa daraateed Madaxda NUSOJ waa in ay ku dedaalaan mideynta,wadajirka iyo u istaagida danaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Ugu dambenytii, Madaxweynaha ayaa ku dhiira-geliyey suxufiyiinta Soomaaliyeed howlaha shacabkood ay u hayaan islamarkaanna ugu baaqay in ay sii laba-laabaan ka shaqeynta nabadda iyo horumarka iyo qeyb-qaadshadda dib u dhiska dalkooda Hooyo

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Denmark “SAWIRRO”

Next Post

Marwada madaxweynaha dalka oo xaflad Ankara uga qeyb-gashay+SAWIRRO

Next Post
Marwada madaxweynaha dalka oo xaflad Ankara uga qeyb-gashay+SAWIRRO

Marwada madaxweynaha dalka oo xaflad Ankara uga qeyb-gashay+SAWIRRO

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada...

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo sheegay in dagaallada ka socda Bariga Dhexe ay kaga sii dareen xaaladdii abaarta...

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda  Qatar u fadhiya Soomaaliya,...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraar uu meel mariyay Baarlamaanka gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In