Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Yugaandha.
Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa’iidayaan hirgelinta iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha.
Madaxweynaha ayaa xusay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yugaandha , kaasi oo ku salaysan Taariikhda aan wadaagno iyo danaha innaga dhexeeya, sare u qaadidda cilaaqaadkaasi ayuu sheegay inay ka tarjumeyso dareenka Afrikaannimo iyo kan walaaltinimo ee dalalka bariga Afrika.
Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay doorkii ay Dowladda Yugaandha ka qaadatay la dagaallanka Argagixisada, isagoo sheegay inay taasi abaal weyn ugu hayaan dadka Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in dadka Soomaaliyeed ay ku fiican yihiin ganacsiga, sida warshadaha, dhulka, is-dhaafsiga badeecooyinka,wax soo saarka iyo kobcinta dhaqaalaha, dadka reer Yugaandhana ay kusoo dhoweynayaan.
Soomaaliya iyo Yugaandha ayaa dhowaan gaaray heshiis iskaashi ganacsi ah, kaas oo wax badan ka tari doona sare u qaadidda dhaqaalaha labada dal, mashaariicda maalgashi iyo shaqa abuurka bulshada labada dal.