Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dalka Oo Kismaayo Kaga Qeyb Galay Xaflad Lagu Sagootinayay Ciidamada Seirra Leone Ee Ka Tagaya Soomaaliya “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo  maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa ka qeyb galay munaasabad  lagu sagootinayay Ciidamada Seirra Leone ee  ka midka ah  Ciidamada  Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehlinayeen  xildhibaano, saraakiil, odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Jubba, iyo qeybaha kale duwan ee buslaada ku nool magaaladaasi, iyagoo intaa kaddib ka qeyb galay munaasabaasi lagu sagootinayay Ciidamada Seirra Lion.oo dib ugu laabanaya dalkooda.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Ciidamada Seirra Leone ee ka baxaya Soomaaliya ayaa sababta dalkooda ay dib ugu laabanayaan ay tahay, kadib markii la waayay ciidamadii bedeli lahaa, maadaama uu dalkooda ka dilaacay cudurka Ebola.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa u rajeeyay ciidamadaasi ka tagaya Soomaaliya inay si nabad ah dalkooda ku tagaan, waxaana uu ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen howl galka AMISOM intii ay ku sugnaayeen Gobolada Jubooyinka.

Dhinaca kale madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Kismaayo waxa uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta maamulka Jubba iyo qeybaha kale duwan ee bulshada Jubooyinka oo uu kala hadlay xoojinta Dowladnimada iyo in ay kaalin ka qaataan horumarinta deegaannada Jubbooyinka.

Ciidamo ka socday Seirra Leone oo bedel u ahaa ciidamada ku sugnaa Jubooyinka ayaa mid ka mid ah ciidankaas laga helay cudurka Ebola, taasoo keentay in ciidamadaas la baajiyo, waxaana ciidanka ku sugnaa Soomaaliya aanay muddo sanad ka badan ay ahaayeen kuwo aan la bedelin, maadaama laga cabsi qabay hadii la bedelo in cudurka Ebola uu ku soo faafo Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa la sheegay inuu raadinayo ciidamadii lagu bedeli lahaa ciidanka Seirra Leone oo wixii hada ka dambeeya si rasmi ah isaga baxaya Soomaaliya.

Waa ciidamadii u horeysay ee ka tirsan AMISOM oo ka baxa Soomaaliya, tan iyo markii Midowga Afrika uu bilaabay in ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya sanadkii 2007-dii, waxaana haatan ku sugan Soomaaliya ciidamo ka socda dalalka Uganda, Brundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Wafiga uu hogaaminayo madaxweynaha ayaa goor dhow magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay.

 

20141218635544922304206127P1140004 (1) 20141218635544922478356166P1140013 20141218635544922659971234P1140017 20141218635544923091887960P1140050 20141218635544923227803715P1140051 20141218635544923425733557P1140053 20141218635544923596570504P1140024 20141218635544925153979397P1140026 20141218635544925537383211P1140028 20141218635544927687183298P1140053 20141218635544929392324458P1140054 20141218635544929571578205P1140055 20141218635544932262288618P1140058 20141218635544932926702244P1140059 20141218635544932926702244P1140059 20141218635544933714684912P1140060 20141218635544935118720485P1140062 20141218635544935387430835P1140064 20141218635544935848006630P1140068 20141218635544936256730203P1140069 20141218635544936690267576P1140071 20141218635544937134953830P1140072 20141218635544937435837906P1140074 20141218635544937771179955P1140079 20141218635544938125611054P1140080 20141218635544938575543883P1140082 IB0A5515 IB0A5530 IB0A5532 IB0A5554 IB0A5747 IB0A5761 IB0A5892 (1)

Previous Post

Midowga Africa oo soo dhaweeyay Ra’isulwasaaraha magacaaban ee Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In