Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha dalka oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Australia-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha dalka oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Australia-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadihi aqoonsiga, danjiraha Australia, wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, mr John Feakes.

Madaxweynaha ayaa wakiilka uga waramey xaaladda dalka iyo horumarka ilaa iyo haatan lagu tallaabsadey ee dhinacyada dowlad dhisidda, baahinta xukunka, amniga iyo caqabadaha weli waddanka ka jira.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey dowladda Australia inay gacan ka geysato barnaamijka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee la xiriira horumarinta dhalinyarada iyo shaqa abuurka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Australia, taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhacdaddii dhowaan ay ciidammada Australia ku qabteen hub si sharci darro ah loogu soo wadey Soomaaliya.

Mr Feakes, danjiraha cusub ee Australia, ayaa madaxweynaha iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu hambalyeeyay horumarka lagu tallaabsadey dhinacyada amniga, siyaasadda, hirgelinta nidaamka federaalka iyo xasilinta dalka, isagoo sheegay in Australia iyo beesha caalamka ay ka war-hayaan xaaladaha adag ee dowladda Soomaaliya ku shaqeyso.

Danjiraha ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhoweeyay dalka, waxaana uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada kaalmada horumarinta, maalgashiga iyo gacan-siinta hannaanka siyaasadda Soomaaliya ee 2016-ka.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa wasiir Ku xigeenka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dal.

1 2 4 5 8 9 23 unnamed

Previous Post

Safaaradda oo ka hadashay dil wiil Soomaali ah loogu geystay Masar-Dhageyso

Next Post

Kulan Kismaayo lagu qabtay oo looga hadlay sameynta ciidan ka howlgalo doona Jubooyinka

Next Post
Shabaab oo laga saaray Tuulooyin ku yaalla galbeedka Magaalada Kismaayo

Kulan Kismaayo lagu qabtay oo looga hadlay sameynta ciidan ka howlgalo doona Jubooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In