Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha dalka oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Australia-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha dalka oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Australia-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadihi aqoonsiga, danjiraha Australia, wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, mr John Feakes.

Madaxweynaha ayaa wakiilka uga waramey xaaladda dalka iyo horumarka ilaa iyo haatan lagu tallaabsadey ee dhinacyada dowlad dhisidda, baahinta xukunka, amniga iyo caqabadaha weli waddanka ka jira.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey dowladda Australia inay gacan ka geysato barnaamijka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee la xiriira horumarinta dhalinyarada iyo shaqa abuurka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Australia, taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhacdaddii dhowaan ay ciidammada Australia ku qabteen hub si sharci darro ah loogu soo wadey Soomaaliya.

Mr Feakes, danjiraha cusub ee Australia, ayaa madaxweynaha iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu hambalyeeyay horumarka lagu tallaabsadey dhinacyada amniga, siyaasadda, hirgelinta nidaamka federaalka iyo xasilinta dalka, isagoo sheegay in Australia iyo beesha caalamka ay ka war-hayaan xaaladaha adag ee dowladda Soomaaliya ku shaqeyso.

Danjiraha ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhoweeyay dalka, waxaana uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada kaalmada horumarinta, maalgashiga iyo gacan-siinta hannaanka siyaasadda Soomaaliya ee 2016-ka.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa wasiir Ku xigeenka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dal.

1 2 4 5 8 9 23 unnamed

Previous Post

Safaaradda oo ka hadashay dil wiil Soomaali ah loogu geystay Masar-Dhageyso

Next Post

Kulan Kismaayo lagu qabtay oo looga hadlay sameynta ciidan ka howlgalo doona Jubooyinka

Next Post
Shabaab oo laga saaray Tuulooyin ku yaalla galbeedka Magaalada Kismaayo

Kulan Kismaayo lagu qabtay oo looga hadlay sameynta ciidan ka howlgalo doona Jubooyinka

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In