RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray, waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, taasi oo uu hirgaliyay maamulka Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhismaha Waddadaan ay astaan u tahay dib u soo kabashada iyo horumarka muuqda oo ay ku tallaabsatay Caasimaddu, gaar ahaan dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, isaga oo ku bogaadiyay Maamulka Gobolka Banaadir tallaabada dhaxal reebka ah ee shacabka dib loogu celiyay Canshuurtii laga qaaday.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in Soomaaliya ay si dhab ah ugu tallaabsaneyso hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorasho qof iyo cod ah, isaga oo siyaasiyiinta hanka leh iyo daneeyayaasha kalaba ku booriyay in ay doorkooda ka qaataan hirgalinta himmiladaasi Qaran.
“Hadafkeennu waa in siyaasadda la nidaamiyo oo talada dib loogu celiyo shacabka, suurta gal
ma’ahan in shaqsi ama shaqsiyaad kooban ay go’aan ka gaaraan masiirka Malaayiinta Soomaaliyeed. Doorasho waa qof iyo cod ee halloo diyaar garoobo”.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan tacabka beeraha iyo warshadaha, si looga maarmo ku tiirsanaanta waxyaabaha dalka dibaddiisa laga soo dhoofiyo.











