Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa shaqada ka ceyriyay madaxii amniga iyo dacwad oogaha guud ee dalkaas kadib eedeymaha loo soo jeedeeyay ee ah in qaar ka mid ah waaxyadooda ay gacan saar la leeyihiin Ruushka.
Wuxuu sheegay in ka badan 60 shaqaale horey uga tirsanaa dowladda Ukraine ay haatan la shaqeynayaan mas’uuliyiinta Ruushka ee ku sugan dhulka uu Ruushka qabasaday ee ku yaalla Ukraine.
Ilaa 651 qof ayaa la sheegay inay la shaqeynayaan Ruushka kuwaas oo lagu eedeeyay inay galeen khiyaano qaran isla markaana ay baarayaan laamaha amniga, sida uu sheegay madaxweynaha.
Xeer ilaaliyaha, oo la yirahdo Irna Venedik-tova iyo madaxa amniga, Ivan Baka-nov ayaa durbaba la bedelay.