Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland oo Kormeeray Garoonka Diyaaraha Garoowe oo Dhismihiisu heer Gebogebo ah Marayo.(Sawiro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland oo Kormeeray Garoonka Diyaaraha Garoowe oo Dhismihiisu heer Gebogebo ah Marayo.(Sawiro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwyenaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 July 2017 soo kormeeray gigida diyaaradaha Garoowe oo dhismihiisu gebogebo marayo.

Kormeerkan ayaa waxaa Mudane Gaas  ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee Puntland iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin isugu jirey Wariiro iyo xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Goboleedka Puntland, guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Madaxweyanaha Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona dul istaagay qiimeeyeyna  meel kasta oo shaqo ka socotey garoonka dhexdiisa, waxaana uu ka xogwaraystay shaqaalaha ka shaqaynaayey dhismaha garoonka sida ay shaqadu u socoto.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku amaanay masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee dawladda Goboleedka Puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqada loo igmaday, isla markaana waxa uu xaqiijiyey in tayo ahan iyo bilic ahaanba garoonka loo hirgeliyey sidii qorshuhu ahaa.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa xaqiijiyey in dhismaha garoonku marayo wejigii ugu danbeeyey, isla mar’ahaantaana lasoo afmeeri doono inta hadhay wakhti aan fogeyn Insha Alla.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe oo ay ugu horeeyaan madaxda Wasaaraddu  inay markasta xasuusnadaan in dhismahani muhiimad gaara u leeyahay kaabayaasha horumarineed ee dawladda Goboleedka Puntland, madaama uu ka qayb qaadanayo horumarka, bilicda, isku xidhka, isla markaana u kaalin weyn ka qaadan doono ilaha dhaqaale ee dalka.

==DHAMMAAN==

Previous Post

Waxaa la rumeysanyahay in Madaxii Argagaxisada ee Muqdisho Cali Jabal lagu diley howlgal qorsheysan…WARSAXAAFADEED

Next Post

DHAGEYSO WAREYSI:- Afhayeenka AMISOM oo faah-faahin ka bixiyay Weerar ka dhacay Gobalka Sh/Hoose

Next Post
DHAGEYSO WAREYSI:- Afhayeenka AMISOM oo faah-faahin ka bixiyay Weerar ka dhacay Gobalka Sh/Hoose

DHAGEYSO WAREYSI:- Afhayeenka AMISOM oo faah-faahin ka bixiyay Weerar ka dhacay Gobalka Sh/Hoose

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In