Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ”Dhalinyarada waa in ay ka qeyb galaan siyaasada dalka”

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ”Dhalinyarada waa in ay ka qeyb galaan siyaasada dalka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka oo ciwaan looga dhigay doorka dhalinyarada ee dhismaha qaran, waxaa soo abaabulay madasha aragtida aqoonyahanka nool ee Maan, waxaana loogu talo galay in dhalinyaradu su,aalo ay ku weydiiyaan madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheakh Maxamuud oo ka qeyb galay madasha.

Mudane Xasan Sheakh Maxamuud madaxweynaha dalka oo ka jawaabayey su,aal la xiriirtay waxa dowladiisu ay u qabatay dhalinyarada, marka loo eego dhinacyada waxbarashada iyo shaqo abuurka waxa uu sheegay madaxweynuhu in la abuuray fursad waxbarasho oo dhalinyaro badan ay ka faaiideysteen, iyada oo waliba caqabado badani ay jireen.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Waxaa jiray caqabado lkn  dowladu uma istaagin, waxan abuurnay fursado waxbarasho oo ay ka faaiideysteen dhalinyarada aan nasiibka u yeelan hore in ay wax u bartaan”ayuu yiri madaxweynaha.

Waxaa madaxweynuhu uu sheegay in caalamka ay kala hadleen in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarad, sidaasi oo kale madaxweynuhu waxa uu muujiyey in dowladu ay u taagan tahay in fursado loo siman yahay ay helaan dhalinyarada

Dowladiisa ayuu madaxweynuhu ku sheegay in ay tahay mida dhalinyarada ugu badan ay fursado ka heleen maadaama xilal muhiim ah ay ka hayaan.

“Dowladaan dhalinyarada ugu badan ayaa ku jira waxey hayaan xilal muhiim ah, tusaale ahaan wasiirka dhalinyarada, wasiirka arimaha gudaha, agaasimeyaal badan”ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Dhalinyarada ayaa sidoo kale madaxweynaha weydiiyey in marka loo eego dhinaca shaqada aaney u sineyn dowlada dhalinyarada ka yimid dalka dibadiisa iyo kuwa gudaha jooga, hase yeeshee waxaa madaxweynuhu sheegay in dowlada ay u siman yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa uu muujiyey kaalinta dhalinyara ku nool dalka dibadiisa ay ku leeyihiin in ay tahriibaan kuwa gudaha oo ku sheegay in ay sii sahleyso baraha bulshada oo dhalinta dibada ay ku muujiyaan nolol aan jirin oo aan ka turjumeynin mida ay ku noolyihiin.

Dhalinyarada ku xiran dalalka caalamka ee qaarkood loo heysto falalka burcad badeednimo ayuu madaxweynaha dalka sheegay in dowladu ay ku dadaaleyso in lasii daayo.

“India hada waxaa ku jira dhalinyaro badan oo burcad badeednimo lee heysto. Wan kala hadalnay dowlada India weyna naga aqbashay in loo fududeeyo dhalinyaradaas”

Ugu dambeyn waxaa madaxweynuhu uu soo hadal qaaday dhibaatada Khaadka, waxaana uu sheegay in marka hore la yareynayo kadibna la joojinayo sida uu sheegay madaxweynuhu.

W/D:-Muxudiin MMC

Previous Post

Baarlamaanka oo mar kale ka doodi doona sharciga doorashada dadban

Next Post

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo ka hadlay jaamacadda London-Sawirro

Next Post
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo ka hadlay jaamacadda London-Sawirro

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo ka hadlay jaamacadda London-Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In