Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MUUQAAL-Madaxweynaha Djibouti oo si diiran loogu soo dhoweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
MUUQAAL-Madaxweynaha Djibouti oo si diiran loogu soo dhoweeyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

21 Febraayo 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana u bilowdey socdaal rasmi ah oo u dalka ku yimid.

Wafdiga waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, Taliyeyaasha Ciidammada, Danjiraha Djibouti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble, Taliyeyaasha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudayaa sheegay in booqashadan ay ka tarjumeyso taagaerada mar walba uu Madaxweyne Geelle iyo shacabkiisa la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waa maalin taariikhi ah in mar kale walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle uu Muqdisho nagu soo booqdo isaga iyo wafdigiisa. Abaalka ay inoo galeen walaalaheena Djibouti ma ilaabi doonno, waayo waxay ina soo garab qabteen xilli aad u adag, waxaana muuqata inaaney weli dadaalkaasi iyo taageeradaasi ka daalin.Naf iyo maal ayay inoo hureen, waxayna safka hore kaga jiraan dagaalka aanu dooneyno inan cadowga nabadda ka soo horjeeda ku ciribtirno. Waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne ku soo dhowow dalkaaga labaad iyo shacab ku jecel’’.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa tacsi u direy ummadda Soomaaliyeed weerarkii arxandarrada ahaa ee shaley kooxaha nabadda diiddan ku laayeen dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

“Waan idin la qeybsanayaa dhibaatada shaley dhacdey, laakiin waxaan kooxaha falalkaasi Islaamka ka baxsan ku dhaqaaqaya u sheegaya in shacabka Soomaaliyeed ay guuleysan doonaan, isla markaana argagaxa lagu hayo aanu ka joojin doonin inay gaaraan himilooyinka ay leeyihiin oo ay ugu horeyso inay nabad buuxda iyo barwaaqo gaaraan Ilaahay idankii’’.

Madaxweynaha Djibouti ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta Aadan Xasan Aadan, Guddomiyaha Maamulka Dekedaha Djibouti, Abuubakar Cumar Xaddi, La Taliyaha Madaxweynaha Djibouti Xaashi Cabdullaahi Orrax iyo mas’uuliyiin kale.

Inta ay dalka joogaan wafdiga waxay wadahadalo la yeelan doonaan madaxda sare ee dalka oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.

DHAMMAAD

unnamed

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

unnamed (9)

unnamed (10)

unnamed (11)

 

 

 

unnamed (12)

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Xuska maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Xuska maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Xuska maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In