Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Doorashada sannadkan dhacaysa waa cashar ay shacabku ka baranayaan dimoqraadiyadda”

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Doorashada sannadkan dhacaysa waa cashar ay shacabku ka baranayaan dimoqraadiyadda”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya 47 kadib ay dhacayso doorasho, tallaabadaasina ay dhiirigelineyso dib u soo kabashada siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay Machadka Arrimaha Amniga ee Mareykanka (United States Institute of Peace) ee magaalada Washington, halkaas oo uu khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya ugu jeediyay in ka badan 400 oo qof oo isugu jira aqoonyahanno, saraakiil iyo dadweyne kale intaba.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

“Dib u soo kabashada Soomaaliya waxaa door weyn ka qaatey ciidammada aanu walaalaha nahay ee Midowga Afrika (AMISOM). Taageerada ay inoo fidiyeen ayaana inaga caawineysa inaan sannadkan doorashooyin qabano. Doorashadan ma ahan mid toos ah, balse waxay cashar u tahay bulshadeena inay wax ka bartaan dimoqraadiyadda, maadaama intoed badan aanay weligood arkin doorasho. Horay waxaa xulasho u sameyn jirey odayaasha dhaqanka oo gaaraya 135, haatanse tiro dad ah oo cayiman ayaa wax dooran doonta’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu intaa ku darey in hawlaha ugu muhiimsan ee hadda horyaalla waddanka ay yihiin hirgelinta iyo dhameystirka nidaamka federaalka, in dalka la gaarsiiyo dimoqraadiyad dhameystiran iyo dib u eegis lagu sameynayo dastuurka dalka, bisha soo socotana shirweyne arrimaha dastuurka la xiriira uu ka furmi doono magaalada Garowe.

Dhanka amniga waxaa uu sheegay in Al Shabaab oo ah cadowga koowaad ee Soomaaliya si weyn loo wiiqay, haatanna loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda iyo tayada ciidammada Soomaaliya si ay hawsha ugala wareegaan ciidammada AMISOM, oo uu sheegay inay wax badan dalka u qabteen.

“AMISOM ku dhowaad 10 sanno ayay waddankeena joogtaa, weligoodna ma sii joogayaan waddanka. Waxaa la joogaa waqtigii aan diyaarin lahayn istaraatiijiyaddii AMISOM ay ku soo afjari lahayd hawlgalkeeda Soomaaliya, loona diyaarin lahaa in ciidankeena ay waajibaadkaasi si buuxda ula wareegaan. Dhanka kalena waxaan dalka u diyaarinay markii ugu horeysay barnaamij la xiriira siyaasadda amniga qaranka oo dowladda dhexe iyo maamullada ay wada dersayaan’’.

Mar uu ka hadlayey xiriirka dalalka gobolka, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay inuu jiro fikir ku saabsan xoojinta iskaashiga wax wadaqabsi ee gobolka, gaar ahaan in la sameeyo suuq cusub oo dhaqaale oo ay yeeshaan Soomaaliya, Ethiopia, Sudan iyo Djibouti

Previous Post

R.W.ku Xigeenka  Xukuumadda oo sheegay inay sameynayaan unug dabagala xogaha shabakadaha wax tahriibiya “War-saxaafadeed”

Next Post

Xaflad loo qabtay arday dhameysatay jaamacadaha Pakistan-Sawirro

Next Post
Xaflad loo qabtay arday dhameysatay jaamacadaha Pakistan-Sawirro

Xaflad loo qabtay arday dhameysatay jaamacadaha Pakistan-Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In