Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Doorashada sannadkan dhacaysa waa cashar ay shacabku ka baranayaan dimoqraadiyadda”

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Doorashada sannadkan dhacaysa waa cashar ay shacabku ka baranayaan dimoqraadiyadda”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya 47 kadib ay dhacayso doorasho, tallaabadaasina ay dhiirigelineyso dib u soo kabashada siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay Machadka Arrimaha Amniga ee Mareykanka (United States Institute of Peace) ee magaalada Washington, halkaas oo uu khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya ugu jeediyay in ka badan 400 oo qof oo isugu jira aqoonyahanno, saraakiil iyo dadweyne kale intaba.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Dib u soo kabashada Soomaaliya waxaa door weyn ka qaatey ciidammada aanu walaalaha nahay ee Midowga Afrika (AMISOM). Taageerada ay inoo fidiyeen ayaana inaga caawineysa inaan sannadkan doorashooyin qabano. Doorashadan ma ahan mid toos ah, balse waxay cashar u tahay bulshadeena inay wax ka bartaan dimoqraadiyadda, maadaama intoed badan aanay weligood arkin doorasho. Horay waxaa xulasho u sameyn jirey odayaasha dhaqanka oo gaaraya 135, haatanse tiro dad ah oo cayiman ayaa wax dooran doonta’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu intaa ku darey in hawlaha ugu muhiimsan ee hadda horyaalla waddanka ay yihiin hirgelinta iyo dhameystirka nidaamka federaalka, in dalka la gaarsiiyo dimoqraadiyad dhameystiran iyo dib u eegis lagu sameynayo dastuurka dalka, bisha soo socotana shirweyne arrimaha dastuurka la xiriira uu ka furmi doono magaalada Garowe.

Dhanka amniga waxaa uu sheegay in Al Shabaab oo ah cadowga koowaad ee Soomaaliya si weyn loo wiiqay, haatanna loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda iyo tayada ciidammada Soomaaliya si ay hawsha ugala wareegaan ciidammada AMISOM, oo uu sheegay inay wax badan dalka u qabteen.

“AMISOM ku dhowaad 10 sanno ayay waddankeena joogtaa, weligoodna ma sii joogayaan waddanka. Waxaa la joogaa waqtigii aan diyaarin lahayn istaraatiijiyaddii AMISOM ay ku soo afjari lahayd hawlgalkeeda Soomaaliya, loona diyaarin lahaa in ciidankeena ay waajibaadkaasi si buuxda ula wareegaan. Dhanka kalena waxaan dalka u diyaarinay markii ugu horeysay barnaamij la xiriira siyaasadda amniga qaranka oo dowladda dhexe iyo maamullada ay wada dersayaan’’.

Mar uu ka hadlayey xiriirka dalalka gobolka, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay inuu jiro fikir ku saabsan xoojinta iskaashiga wax wadaqabsi ee gobolka, gaar ahaan in la sameeyo suuq cusub oo dhaqaale oo ay yeeshaan Soomaaliya, Ethiopia, Sudan iyo Djibouti

Previous Post

R.W.ku Xigeenka  Xukuumadda oo sheegay inay sameynayaan unug dabagala xogaha shabakadaha wax tahriibiya “War-saxaafadeed”

Next Post

Xaflad loo qabtay arday dhameysatay jaamacadaha Pakistan-Sawirro

Next Post
Xaflad loo qabtay arday dhameysatay jaamacadaha Pakistan-Sawirro

Xaflad loo qabtay arday dhameysatay jaamacadaha Pakistan-Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In