Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Gaalkacayo Ku Qaabilay Kuxigeenka Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Gaalkacayo Ku Qaabilay  Kuxigeenka Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 may 2017 ku qaabilay magaalada Gaalkacayo wefdi uu hogaaminayo kuxigeenka safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Alican Aksoy.

Ka hor inta aanu Madaxweynuhu ku qaabilin xafiiskiisa wefdigani ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Abdulaahi Yuusuf Ahmed ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Goloha Wasiirada dawladda Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Goboleedka Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Wefdigani uu hogaaminayey kuxigeenka safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Alican Aksoy ayaa u socdey kormeer ku aadan maashaariico horumarineed oo ay ka hirgelin doonaan Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacayo, waxaana kamida shaaricdaasi dhismaha c cusbitaal weyn iyo iskuul lagu baran doono farsamada gacanta kaas oo wax weyn ka tari doona sare u qaadida xirfada iyo aqoonta  dhalinta ku dhaqan magaaladaasi iyo guud ahaan Puntland.

Mashaariicdan ayaa ah kuwo madaxweynaha Puntland uu hore ugu gudbiyey safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya inay ka caawiyaan Puntland, isla markaana ay ka hirgeliyaan magaalada Gaalkacayo maadaama ay cubitaalkii weynaa ee magaaladaasi hore u soo gaadhey burbur xoogan oo gebihaanba dhulka uu la sinmay dhismihii cusbitaanka.

Madaxweynaha  Puntland ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa magaalada Gaalkacayo wufuuda kasocotey safaarada Turkiga ee Soomaliya, waxaana uu Madaxweynuhu uga mahad naqay dalka Turkiga mashaaricdaasi wax-tarka leh ee ay ka hirgelinayaan Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacayo kuwaas oo wax weyn ka taridoona baahiyaha caafimaad iyo kuwa wax barashoda ee shacabka Puntland iyo ummaadad Soomaaliyeedba.

Dhinnnaca kale wefdiga uu hogaaminayey kuxigeenka danjiraha dalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa soo kormeeray goobaha laga hirgelinaayo mashaariicdaasi iyo sidoo kale cusbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacayo oo ay ku sugan yihiin dad badan oo ay wax yeelo u geysatay abaartii Alle ka dulqaaday ummaadiisa iyo iskuulka Cumar Samatar oo ka mida goobaha waxbarasho ee ugu facaweyn Soomaaliya.

Previous Post

Aas-Qaran oo loo sameeyey Wasiirkii Howlaha Guud Xildhibaan Cabaas Siraaji (SAWIRRO)

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay ururada bulshada rayidka.

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay ururada bulshada rayidka.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay ururada bulshada rayidka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In