Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Xariga Ka jiray Suuq casri ah oo laga furay Boosaaso(Daawo Sawirrada)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Xariga Ka jiray Suuq casri ah oo laga furay Boosaaso(Daawo Sawirrada)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 02 October 2017  magaalada Boosaaso xadhiga kaga jaray suuq ganacsi oo casri ah oo magaaladaasi laga hirgelyey.

Xadhig jarka suuqani cusub ee New Bosaso Market ayaa waxaa Madaxweyne Gaas ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland, taliska qaybta gobolka Bari iyo qaar kamid ah bulshada rayid ka ah ee magaalada Boosaaso.

Related posts

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horayn boqaadiyey cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta suuqani cusub gaar ahaan dawladda Jaban oo bixisay kharashka ku baxay mashruucani iyo weliba hay’adda UNOPS  iyo degmada Boosaaso oo ka qayb qaatay qalabaynta Mashruuca, iyo shirkadda Albashid oo dhistay dhismaha mashruuca.

Mudane Gaas ayaa sidoo kale  xusay in qaabka loo dhisay loona qalabeeyey suuqani cusub uu yahay mid wax ku oola oo ay mustaqbalka u’aayidoonaan bulshada magaalada Boosaaso, dhinaca kalena waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay masuuliyiinta iyo ganacsatada suuqani agaasimidoona in goobtani sida ay maanta tahay lagu hayo oo lagu illaaliyo.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dhismaha mashruucani kamid yahay horumarka ay ku talaabsanayso Puntland  gaar ahaan gobolka Bari, welibana waxa uu xusay Madaxweynuhu in suuqyo badan oo noocanoo kale ah dawladdu ku tala-jirto inay dalka ka hirgeliso dhowaanna magaalada Boosaaso laga hirgelindoono mashaariic kale oo wax ku oola.

Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud ayaa  faahfaahin ka bixiyey ganacsiyada kala duwan  ee lagaga faa’iidaysan doono suuqani, waxaana uu sheegay in suuqani isugu jiridoono gacacsiyo ay kamid yihiin kaluunka, qudaarta, hilibka, bagaashka, qaybta dahabka iyo walxaha lasyku qurxiyo (Cosmetics), isla markaana waxa uu xusay duqa Degmada Boosaaso in ay qayb ka noqon doonaan bulshada rayidka ah iyo weliba dadka Yamaniyiinta ah ee kasoo hayaamay dagaalada ka socda Yeman ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Guddomiyaha gobolka Bari Maxamed Yuusuf Wacays ayaa dhankiisa xusay in mashruucani guul weyn usoo hooyey xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maadaama ay ku guulaysteen dhismaha mashruucani halka ay u suura geliweydey  dawladdihii ka horeeyey inay dhisaan goobtani maanta muhiim ka u ah shacabka magaalada Boosaaso ee uu xadhigga ka jaray Madaxweynuhu.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga oo isna kahadlay furitaankii mashruucani ayaa sheegay 2005 in uu  ahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee dawladda Puntland wakhtigaasina uu ku guulaystay inuu goobtani ku wareejiyo dawladda hoose ee degmada Boosaaso, sidaasi darteedna uu ku faraxsan yahay guulna u tahay inay ku guulaysato dhismaha goobtani xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Goboleed Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka iyo halganka Puntland lagu gaadhsiinayo dawladdaha horumaray, gaar ahaana kor uqaadida ganacsiga Puntland ee dawladdu xooga ku saarayso inuu ahaado mid horumarsan.

=DHAMMAAD=

Previous Post

Kulan looga hadlayo Amniga Geeska Afrika oo ka dhacaya Khartum

Next Post

Shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Filand (Sawirro)

Next Post
Shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Filand (Sawirro)

Shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Filand (Sawirro)

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In