Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Xariga Ka jiray Suuq casri ah oo laga furay Boosaaso(Daawo Sawirrada)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Xariga Ka jiray Suuq casri ah oo laga furay Boosaaso(Daawo Sawirrada)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 02 October 2017 ย magaalada Boosaaso xadhiga kaga jaray suuq ganacsi oo casri ah oo magaaladaasi laga hirgelyey.

Xadhig jarka suuqani cusub eeย New Bosaso Marketย ayaa waxaa Madaxweyne Gaas ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland, taliska qaybta gobolka Bari iyo qaar kamid ah bulshada rayid ka ah ee magaalada Boosaaso.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horayn boqaadiyey cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta suuqani cusub gaar ahaan dawladda Jaban oo bixisay kharashka ku baxay mashruucani iyo weliba hay’adda UNOPSย  iyo degmada Boosaaso oo ka qayb qaatay qalabaynta Mashruuca, iyo shirkadda Albashid oo dhistay dhismaha mashruuca.

Mudane Gaas ayaa sidoo kaleย  xusay in qaabka loo dhisay loona qalabeeyey suuqani cusub uu yahay mid wax ku oola oo ay mustaqbalka u’aayidoonaan bulshada magaalada Boosaaso, dhinaca kalena waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay masuuliyiinta iyo ganacsatada suuqani agaasimidoona in goobtani sida ay maanta tahay lagu hayo oo lagu illaaliyo.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dhismaha mashruucani kamid yahay horumarka ay ku talaabsanayso Puntland ย gaar ahaan gobolka Bari, welibana waxa uu xusay Madaxweynuhu in suuqyo badan oo noocanoo kale ah dawladdu ku tala-jirto inay dalka ka hirgeliso dhowaanna magaalada Boosaaso laga hirgelindoono mashaariic kale oo wax ku oola.

Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud ayaa ย faahfaahin ka bixiyey ganacsiyada kala duwan ย ee lagaga faa’iidaysan doono suuqani, waxaana uu sheegay in suuqani isugu jiridoono gacacsiyo ay kamid yihiin kaluunka, qudaarta, hilibka, bagaashka, qaybta dahabka iyo walxaha lasyku qurxiyo (Cosmetics), isla markaana waxa uu xusay duqa Degmada Boosaaso in ay qayb ka noqon doonaan bulshada rayidka ah iyo weliba dadka Yamaniyiinta ah ee kasoo hayaamay dagaalada ka socda Yeman ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Guddomiyaha gobolka Bari Maxamed Yuusuf Wacays ayaa dhankiisa xusay in mashruucani guul weyn usoo hooyey xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maadaama ay ku guulaysteen dhismaha mashruucani halka ay u suura geliweydey ย dawladdihii ka horeeyey inay dhisaan goobtani maanta muhiim ka u ah shacabka magaalada Boosaaso ee uu xadhigga ka jaray Madaxweynuhu.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga oo isna kahadlay furitaankii mashruucani ayaa sheegay 2005 in uu ย ahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee dawladda Puntland wakhtigaasina uu ku guulaystay inuu goobtani ku wareejiyo dawladda hoose ee degmada Boosaaso, sidaasi darteedna uu ku faraxsan yahay guulna u tahay inay ku guulaysato dhismaha goobtani xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Goboleed Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka iyo halganka Puntland lagu gaadhsiinayo dawladdaha horumaray, gaar ahaana kor uqaadida ganacsiga Puntland ee dawladdu xooga ku saarayso inuu ahaado mid horumarsan.

=DHAMMAAD=

Previous Post

Kulan looga hadlayo Amniga Geeska Afrika oo ka dhacaya Khartum

Next Post

Shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Filand (Sawirro)

Next Post
Shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Filand (Sawirro)

Shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Filand (Sawirro)

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In