Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dowlad K/Galbeed oo xafiiska madaxtooyada maanta ku qaabiley wefdi ballaaran oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar+Sawiro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 20, 2019
in Wararka
0
Madaxweynaha Dowlad K/Galbeed oo xafiiska madaxtooyada maanta ku qaabiley wefdi ballaaran oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar+Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiska madaxtooyada maanta ku qaabiley wefdi ballaaran oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Dalka Soomaaliya Xasan Binu Xamza oo maanta safar shaqo ku yimid magaalada Baydhabo.

Kulankoodi labada masuul kadib, ayaa Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Ibraahim C/qaadir Maxamed iyo Wafdiga safiirka Dowladda Qatar hogaaminaayey waxey booqasho iyo kormeer ay ku sameeyeen qeybaha kala duwan ee magaalada Baydhabo, sidoo kale waxey booqasho ku tageen xaruumo kala duwan oo ay ka fulinayaan mashaariic kala duwan, waxaana kamid ah xaruun school oo Dowladda Qatar dhismaheeda maalgelineyso.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed mudane Ibraahim C/qaadir Maxamed iyo Wafdiga Safiirka hogaaminaayay waxey booqasho iyo indha-indheyn ku tageen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Shaati-gaduud ee magaalada Baydhabo, oo Dowladda Qatar mar dhow ka fulineyso dhismooyin lagu horumarinaayo Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo kaasoo la doonaayo inuu la jaanqaado garoomada diyaaradaha Caalamka.

Intaasi kadib wafdiga safiirka Qatar iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed waxey kulan muddo qaatey ku yeesheen xaruunta Madaxtooyada, waxayna ka wada hadleen dhismaha iyo horumarinta Madaxtooyada oo safiirka ballan ku qaadey in Dowladda Qatar oo isagu matalaayo ay kusoo kordhin doonaan dhismooyin qurux badan oo naqshadii ugu dambeysay ah, taasoo ay ku doonayaan in Madaxtooyada la simaan ama la mid yeelaan Madaxtooyaalka Caalamka dhawaana ay soo Gabagabeyn doonaan.

Wafdigaan oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar u fadhiya soomaaliya ee maanta soo gaareen magaalada Baydhabo waxey horudhac u yihiin wufuud heer caalami ah kuwaasoo maalmaha soo socda kusoo wajahan magaalada baydhabo oo xaruun kumeel gaar u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kuwaasoo daneynayaa horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug+Sawirro

Next Post

Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta XFS ooMagaalada Kigali ee dalka Rwanda uga qeyb galay Aqoon-Isweydaarsiku saabsanaa falanqeynta Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka dadka Soomaaliyeed.

Next Post
Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta XFS ooMagaalada Kigali ee dalka Rwanda uga qeyb galay Aqoon-Isweydaarsiku saabsanaa falanqeynta Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka dadka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta XFS ooMagaalada Kigali ee dalka Rwanda uga qeyb galay Aqoon-Isweydaarsiku saabsanaa falanqeynta Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka dadka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In