Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi hogaaminayo oo maanta gaaray degaanka Nuur-dugle ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay halkaas.
Madaxweynaha oo ay wehelliyaan wafdi ka koobqan Wasiirro, Xildhibaano Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Masuuliyiin kale ayaa u kuurgalayay xaaladaha deegaanka sida amniga iyo baahiya ay qabaan bulshada.
Madaxweynaha ayaa Deegaanka Nuur-dugle ku qabtay Shirka Xasilinta iyo Nabadeynta isagoo dhanka kale kulan fool ka fool ah la qaatay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay baahiyahooda ku qotoma adeegyada assasiga ah ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay bulshada Nuur-dugle sida geesinimada leh ay isaga dulqaadeen khawaarijta ugana shaqeeyeen amniga iyo xasiloonida.