Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha “Dowladda waxaa ka go’an dib u soo nooleynta dhammaan laamihii ay ka koobneyd Jaamacadda Ummadda”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha “Dowladda waxaa ka go’an dib u soo nooleynta dhammaan laamihii ay ka koobneyd Jaamacadda Ummadda”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha oo sheegay in dowladda ay garab taagan tahay qorshaha lagu horumarinayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho, 22 October, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in la horumariyo adeegyada ay bixiso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dhowaan dib u hawlgashey dagaalladii sokeeye kadib.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay maanta, mar uu booqdey xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

“Dowladda waxaa ka go’an dib u soo nooleynta dhammaan laamihii ay ka koobneyd Jaamacadda Ummadda, waxaana dhiirigelinayaa in lagu soo daro laamaha kale ee cilmiga ee muhiimka ah, si jaamacadda ay ula tartanto jaamacadaha kale ee dunida’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddadii yarey ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay dib u hawlgashey ay sameysey horumar la taaban karo, isla markaana uu bogaadinayo dadaalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in maalmaha dhow ee soo socda ay ciidammada AMISOM ee deggan dhismeyaashii hore ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ka guuri doonaan, si fursad loo siiyo in jaamacadda ay hawlaheeda ay shacabka ugu adeegeyso ugu qabato.

Madaxweynaha oo booqshada Jaamacadda ay ku wehlisey Wasiirka Waxbarashada Khadar Bashiir, ayaa halkaasi warbixino kaga dhegeystey Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Maxamed Axmed Jimcaale iyo qaar ka mid ah ardeyda iyo macalimiinta jaamacadda.

unnamed (1) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Daawo Sawirrada: Roob daadad wata oo ka da’ay Beledweyne

Next Post

Cudurka Dabeysha Oo Soomaaliya Laga Waayay

Next Post
Arday Tababar Ku Saabsan Wadaniyada Loogu Qabtay Muqdisho

Cudurka Dabeysha Oo Soomaaliya Laga Waayay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In