Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Fursadda ah in la cafiyo kuwa diyaarka u ah inay ka haraan fikirka khaldan, weli way furan tahay’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo ka digay musuqa iyo ku takri falidda shaqaalaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 23 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay guusha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku qabsadeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, oo ka mid ahayd goobaha yar ee weli ay ku dhuumaleysanaayeen kooxda argagixasada ah ee Al Shabaab.

“Markii aan talada dalka qabtey, waxaan muhimadda koowaad ka dhigtey hawsha nabad ka aslaaxinta dalka iyo sugidda amniga. Saddex sanno ka hor dad badan ma rumeysneyn in go’aankaasi aanu gaarney uu suurageli karo. Laakiin kuwii fikirkaasi aaminsanaa maanta wax ka duwan ayaa u muuqda, waxaana u caddaatey in balanqaadkeenii uu dhab noqday’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in guusha ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku qabsadeen Baardheere ay war wanaagsan u tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Waa in aan marnaba laga shakin go’aanka dowladda. Waxaa laga yaabaa in dagaalka dalka lagu xasilinayo uu noqdo mid adag, laakiin waxaa weli sidii u taagan go’aanka aniga iyo qeybaha kale ee ina taageeraya aanu qaadaney, iyadoo weliba adkeysiga qarankeenu leeyahay uu maalinba maalinta ka sii dambeysa sii xoogeysanayo’’.

Madaxweynaha ayaa mar kale sheegay in kooxaha xagjirka ah ay weli haystaan fursad ay shacabkooda dhinac uga raacaan.

“Ma jiro mustaqbal wanaagsan oo laga dhaxlayo xagjirnimada. Weli albaabadeena way u furan yihiin kuwa diyaarka u ah inay dagaalka joojiyaan, ee doonaya inay ku soo biiraan dadaalka dib u dhiska dalka, ee uu shacabku wada taageersan yahay. Hadda ayayna fursaddaasi jirtaa. Mustaqbalka Soomaaliya waxaa uu ku jiraa gacmaheena. Waa inaan ku haminaa danta dalkeena oo ku jirta nabadda iyo amniga oo la sugo’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii tacsi u direy qoysaskii ay ka baxeen geesiyaashii naftooda u hurey u adeegista qarankooda.

“Aan u wada duceyno geesiyaashii ciidammada ka tirsanaa ee dhintey iyagoo qarankooda u adeegaya. Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo eheladii ay ka tageen.”

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: [email protected]

 

Previous Post

Khudbadihii madaxda ee xafladda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug oo socota

Next Post

Shil gaari oo ay dadku dhinteen oo ka dhacay degmada Kaaraan “SAWIRRO”

Next Post
Shil gaari oo ay dadku dhinteen oo ka dhacay degmada Kaaraan “SAWIRRO”

Shil gaari oo ay dadku dhinteen oo ka dhacay degmada Kaaraan "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In