Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo baaq nabadeed u diray Ahlusunna Waljamaaca “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo baaq nabadeed u diray Ahlusunna Waljamaaca “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdiga uu hogaaminayay Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan maamulka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole Galmudug iyo qaybaha bulshada.

Madaxwaynaha Galmudug oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Cadaado ayaa sheegay in shirarkii uu Muqdisho uga qeybgalay ay guul ku soo dhamaadeen.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

July 14, 2026

“Waxaa la isla gartay oo qaybaha kala duwan ee Soomaalida iyo beesha caalamkuba, isla garteen labo arrimood, mid waxa ay ahayd wax kororsi ah oo hay’adaha dawlada loo kordhinayo inaysan jirin iyo inaysan dhici karin codayn toos ah duruufaha dalka ka jira awgeed, marka waxa laga arrinsanayo waa labadaas arrimood, wax u dhexeeya in lala yimaado qaab doorasho ku dhici karto, loogana gudbi karo marxaladda hadda lagu jiro” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa wadaxaajood ugu baaqay maamulka Ahlusunna ee Dhuusamareeb, si ay qeyb uga noqdaan dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

“Waxaan rabaa inaan baaq nabadeed u jeediyo culimaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca, oo aan leenahay wadahadalka Galmudug ay ku baaqday inay ajiibaan, nabadana ay qayb ka qaataan, dhismaha dawladnimada iyo xasiloonada dalka iyo deegaanka”. Ayuu hadalkiisa ku daray.

DSC00500 DSC00502 DSC00503 DSC00505 DSC00508 DSC00509 DSC00513 DSC00518 DSC00520 DSC00524 DSC00527

Maxamuud Cabdi Diirshe

Previous Post

Hay’adda Somali Relief Network of North America oo deeq hilib ah u qeybisay qoysas ku nool Afgooye “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha oo gaarey New York, kana qeybgalaya shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Next Post
Madaxweynaha: “Baaritaan ayaa lagu sameyn doonaa weerarkii argagixiso ee magaalada Kismaayo’’

Madaxweynaha oo gaarey New York, kana qeybgalaya shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, ayaa maanta booqasho tacsi ah ku tegay Safaaradda...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulammo...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

July 14, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya | 14 Luulyo 2026: La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta Xafiiska...

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

July 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa saraakiil ka socotay Dowlad Deegaanka Soomaalida ku wareejiyay laba nin oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In