Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad oo ka soo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen kuwaas oo hadda u diyaarsan iney ku biiraan howlgalka ka dhanka khawaarijta ee ka socda dalka.
Ciidankaan oo lagu kulmiyey xerada Harqaboobe ayay madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka ka dhanka khawaarijta, kuna daysadaan geesiyaasha maalmihii la soo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah u dhigay khawaarijta .
Wasiirka difaaca dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ciidankan ku sifeeyey kuwo laga sugayo inay khawaarijta kala soo baxaan godadka ay sida naf lacaarigga kula dhuunteen khawaarijta, ayna diyaar u yihiin inay ka sifeeyaan dalka oo dhan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug axmed Cabdi Kaariye oo ugu dambeyn khudbad dhiirigelin, dardaaran iyo tusaaleynba leh u jeediyey ciidankan ayaa sheegay in balantu tahay inay socodka dambe isku arkaan goobo guulo laga keenay oo hor leh oo laga baacsaday kooxda cadowga ah ee khawaarijta.