Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo kulamo gaar gaar ah la qaatay bulshada Galkacyo “Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo kulamo gaar gaar ah la qaatay bulshada Galkacyo “Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Mudane Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo dhawaan  gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maalinkii Afraad Galkacyo waxa uu kulamo kula Qaadanayaa qaybaha kiala duwan ee bulshada Galmudug, iasagoo dhanka kalana maanta kormeeray  qaar ka mida xarumaha garsoorka iyo saldhigyada ciidanka booliiska Galmudug.

Kulamadan uu madaxweyne Guuleed la qaadanayo bulshada ayaa waxaa Ku wehliya xubno ka tirasan golaha wasiirrada iyo barlamaanka Galmudug iyo madaxweynihii hore ee Galmudug S/gaas Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid
Waxaana Madaxweynaha Saacadihii ugu danbeeyay kulamo gaar gaar ah uu la qaatay Culimo’diinka odayaasha dhaqanka ururada Haweenka, ganacsatada dhalinyrada iyo saraakiisha ciidamada qaybahooda kala duwan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dhamaan Kuladamada Madaxweyne Cabdi kariin iyo bulshada ay wada qaateen ayaa ah kuwo looga hadlayo sidii  Maamulku iyo Shacabku iskaga gaashanlahaayeen adkaynta Arimaha Amaanka,iyo qaadista Jidgooyooyinka
Sharci Darada ah ee yaala qaar ka mid ah Deegaanada Galmudug.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug ayaa Radio Muqdisho uga Warbixiyay qodobadan ay Ka Wada Hadleen Odayaasha Dhaqanka Galmudug iyo bulshada qeybahooda kala duwan waxaana uu xusay in
ujeedka kulamadaani ay yihiin kuwo is xog wareeysi ah looga na arinsanayo arimo dhowra ah oo ay ka mid ahaayeen isku dhafka ciidamada Galmudug iskaashi in laga sameeyo arimaha adkeeynta amaanka iyo qaadista jidgooyinka sharci darada ah iyo sidoo kale in koontaroolka weyn ee ku  yaala dhanka koofureed ee magaalada Galkacyo uu u noqanlahaa mid soo gala Gacanta dowlada Galmudug maadaama haatan ay gacanta ku hayaan maleeshiyo beeleed

Suldaan Cabdi Naasir Jaamac Seed oo ku Hadlayay Magaca Odayaasha dhaqanka Galmudug  ayaa Sheegay in Kulanka Madaxweyne Guuleed la qaateenQodobadiii ay ka Wada Hadleen ahaayeen kuwo ku dhamaaday is
Faham dhawaana Go’aamo ay  Soo bixi Doonaan

Kulamadaan ayaa ah kuwii ugu balaarnaa ee uu madaxweynaha dowlad Gobaleedku la qaato bulshada ku nool magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka mudug qeybahooda kala duwan iyo saraakiisha ciidamada kala
duwan ee Galmudug.
unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed

 

Previous Post

Madaxweynaha: Fursadaha u furan Al-Shabaab kuma koobna in ay kala doorataan noocyada argagixisada.

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In