Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo maanta kormeeray qaar ka mid ah dugsiyada Gaalkacyo+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo maanta kormeeray qaar ka mid ah dugsiyada Gaalkacyo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada Galmudug ayaa maanta kormeeray qaar ka mida dugsiyada hoose dhaxe iyo sare ee ku yaala magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Kormeerka Madaxweynaha Galmudug uu maanta ku tegay dugsiyada waxbarashada ee magaalada Gaalkacyo ayaa ujeedadiisa lagu sheegay u kuurgelidda xaaladda waxbarasho ee dugsiyadaasi. isagoo warbixin ka dhageeystay mas\uuliyiinta waxbarashada Gaalmudug iyo maamulayaasha dugsiyadaasi.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweynaha Galmudug iyo mas’uliyiintii la socatay ayaa kormeerkooda ka billaabay xarunta dugsiga H/dhaxe iyo Sare ee C/laahi Ciise Maxamuud,  halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen boqalaal arday ah oo wax ka barta dugsigaasi kadibna madaxweyne Guuleed ayaa warbixino ku aaddan xaaladda waxbarashada dugsigaasi ka dhageeystay qaar ka mida Maamulka iyo macalimiinta wax ka dhiga dugsigaasi, kuwaasi oo ka dhawaajiayay in haatan ay jirto horumaro dhanka waxbarashadaa ah marka loo eego sanadihii lasoo dhaafay halka ay mareeysay waxbarashada Magaalada Galkacyo.

Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa isna ku bogaadiyay ardayda iyo macalimiinta horumarka waxbarsho isagoo kula dar daarmay in ay sii laba laabaan dadaalkooda waxbarsho.

“Ujeedka kormeerkeenu waxa uu ahaa in aan wax ka ogaano xaaladina waxbarasho nasiib wanaag maanta waxaan dareemayaa inuu jiro horumarka dhanka waxbarashdaa sidaa darteed waxaa la idinka rabaa inaad sii laba jibaartaan dadaalka waxbarsho waa midda aad ku gaari kartaan horumar haddii aysan waxbarsho jirin lama gaarayo horumar” ayuu yiri madaxweynaha  Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed.

Kormeerkaan ayaa ah kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Guuleed uu ku tago qaar ka mida xarumaha waxbarashada ee ku yaala Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, waxaana kormeerka Madaxweyne C/kariin uu kusoo beegmayaa xilli horumar dhanka waxbarashada ah laga dareemayo guud ahaan deegaannada Galmudug.

A B C D E G I K

Sawirqaade C/risaaq Maxamed Axmed.      Gaalkacyo

Previous Post

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aanka hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ay dib ugu noqonayaan shirka magaalada Jowhar

Next Post

Primeir Bank Oo Markii Ugu Horeysay Dalka Keenay Adeega Kaararka VISA

Next Post
Primeir Bank Oo Markii Ugu Horeysay Dalka Keenay Adeega Kaararka VISA

Primeir Bank Oo Markii Ugu Horeysay Dalka Keenay Adeega Kaararka VISA

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In