Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa saxiixay 10 sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa saxiixay 10 sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha  Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26th February 2022, saxiixay hindise sharciyeedyo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Galmudug, iyadoo uu sharciyadan sixiixay kadib munaasabad ballaaran oo lagu qabtay madaxtooyada Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee dowladdda Federaalka iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo maanta goob joog u’ahaa sharciyada la saxiixay.

Related posts

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026

Sharciyada uu maanta sixiixay Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxaa ka mid ahaa degmo loo aqoonsaday Xeraale, waxaana ay gaarayaan sharciyada lasixiixay illaa iyo toban sharci kuwaas oo kala ah.

1- Sharciga Kalluumaysiga

2- Sharciga Nidaaminta Magaalooyinka

3- Sharciga Ujrooyinka Kalluumaysiga

4- Sharciga Shirkadaha

5- Sharciga Nootaayada

6- Sharciga Degmaynta Xeraale

7- Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah

8- Sharciga Shaqaalaha Guud

9- Sharciga Biyaha

10- Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.

Dhanka kale Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa uu kahadlay arimaha doorashada, waxana uu sheegay in kuraastii taallay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb la soo gaba-gabeeyay, lana bilaabayo kursaasta taalla magaalada Gaalkacyo.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in laba todobaad lagu daray waqtigii doorashada loo qabtay, kadib kulan ay yeesheen Guddiga doorashooyiska Qaran ee heer Federaal, isagoo xusay in uu rajeynayo in Kuraasta taalla Gaalkacyo lagu soo gaba-gabeen doono labadaas isbuuc sida ay guddigaba xuseen.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Isimada Maamulkaas “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay Liiska doorashada 4-kursi

Next Post
Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay Liiska doorashada 4-kursi

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay Liiska doorashada 4-kursi

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In