Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo sharci darro ah ku tilmaamay shirkii ka dhacay Cadaado

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo sharci darro ah ku tilmaamay shirkii ka dhacay Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

guuleed

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guleed oo si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho isaga iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, kaasi oo ay kaga hadlayeen kulan qaar ka mid ah Xildhibaannada Galmudug ay Cadaado ku yeesheen.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay sharci darro tahay in baarlamaanka oo fasax ku jira ay shaqsiyaad kulan gaar ah sameystaan, taasi oo uu ku tilmaamay inay dhaawaceyso dowladnimada curdunka ah ee ka hana qaaday Deegaannada Galmudug.

“Baarlamaanka waa hay’ad ka mid ah hay’adaha dowlad goboleedka Galmudug, Baarlamaanka waxa uu leeyahay kalfadhi uu ku shaqeeyo, sida aan ognahay kalfadhiga wuu xiranyahay, 5tii bishaan ayuuna Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug soo saaray, muddo kordhin oo 45 cisho ah oo waqtiga loogu kordhinayo Xildhibaannada, mana jirin xarunta baarlamaanka oo furan, mana jirin guddoomiyaha shir uu ka warqabahay, sidaas darteed waxaan u arkaa waxa Cadaado ka dhacay inay tahay mid sharci darro ah, oo laga soo abaabulay meelo kale” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug, oo sheegay in sharciga uusan ka weyneyn, balse waxkasta ay ku haboontahay in sharciga loo maro.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in waxyaabaha ay sameeyeen qaarka mid ah Xildhibaannada ay tahay mid foolxun oo ah in lagu qoslo, isla markaana ah mid aan sharci ahayn, ayna aqoonsaneyn maamulka Galmudug falkii maanta ka dhacay magaalada Cacdaado.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in afar cisho ka hor uu Warbaahinta la wadaagay in fasaxii baarlamaanka Galmudug ay ku ekeyd 5-tii bishan , isla markaana uu saxaafadda u sheegay in shirka uusan furmi karin, maadaama dalka uu ku jiro marxalad doorasho, ayna lagama maarmaan noqotay in waqti kordhin loo sameeyo baarlamaanka oo ah muddo 45 cisho ah.

 

 

 

 

Previous Post

Warbxin laga soo saaray Sanadkii 2016-kii afduubka maraakiibta caalamiga ah

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Muqdisho “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Muqdisho "SAWIRRO"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In