Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug waxaa xarigg jarka ku wehliyay xubo ka mid ah Golaayasha Dowlad Goboleedka Galmudug, Guddoomiyaha gobalka Galgaduud, iyo masuuliyiin kale.
Dhanka kale Mudane Qoorqoor ayaa bogaadiyay madaxda Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug oo ka soo dhalaashay howshii loo igmaday.
Ugu danbeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa ku amaanay howlwadeennada mashuurca biyoole howsha baaxadda leh oo ay ka qabteen dib u dhiska xarunta Wasaaradda iyo kaabayaasha kala duwan ee Galmudug.